WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Aadan Siiro oo sheegay in Muuse Biixi iyo Qoyskiisa wax kasta boobeen-Video

By Abdi rashid

August 11, 2019

Hargeisa  ( HM) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud [Aadan Siiro ] oo Maanta Salaadii Ciida Khudbad ka jeediyey magaalada Hargeisa, ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo Qoyskiisa ku eedeeyay Dhulboob.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa dhacay Dhulboob ay Xukuumaddi ay Kow ka tahay, Buurta kala jeexan oo 300 oo Qoys deganaayeen ayaa loo Xukumay madaxwaynaha iyo Qoyskiisa.”

“Madaxwayne biixi waxaan leenahay in walaalkaa loo xukumo  300 oo Guri,   Caqli iyo sharci ahaan maaha wax la Aqbali karo, waxaanu leenahay Jooji hadii aadan ka raali ahayn.”

“Sheekh Aadan Siiro ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddu Somaliland  ay dhaqaalihii isku koobtay, “Waxaan leenahay dhaqaalaha hala Fur-furo”. Ayuu yidhi Sheekhu.