Laascaanood (HM)-Siyaasada arrimaha dibedda Imaaraadka Carbabta, waxay muddo dheer ku dhisneyd xeelad (strategity) ah saaxiib leh faa’iido. Waxaana arrinkaas u suurto-gelinayey dhaqaalaha ay ka hesho saliida.
Xiriirka ku dhisan danaha dhaqaale ee Galbeedka ay la leeyihiin, ayaa Amiirada ka taliya Imaaraadka u suurto-geliyey inay farogeliyaan arrimaha gudaha dalal badan oo ku yaala Bariga Dhexe, iyo Qaarada Afrika.
Haddaba dooda maqaalka ayaa ah, Imaaraadka Carbabta ma yahay saaxiib la isku haleen karo?
Inkastoo muddo dheer, Imaaraadka Carbabta farogelin ku hayey wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya, haddana waxay aduunyada ku baraarugtay kadib markii uu dhacay “Kacdoonkii Carabta.”
Haddaba maxaa Amiirada Imaaraadka dhibsadeen oo uu kacdoonkii Carabeed siday?
Dhaqdhaqaaqii kacdoonka Carabta ee 2011 wuxuu udub dhexaad u ahaa muujinta caro (cadho) qoto dheer oo ka dhalatay gaboodfalka kaligii taliyeyaasha Carabta, arxan darradii laamaha amniga, shaqo la’aantii dhallinyarada, sicir-bararka maciishada iyo musuqmaasuq uu weheliyo gaar-u-yeelashada hantida dawladda ee dalalka qaarkood.
Amiirada u taliya Imaaraadka, waxay qaadeen howlgalo sirdoon iyo ciidan iskugu jira si loo fashiliyo “Kacdoonkii Carabta.” Ujeeddada keliya ee ay ka la haayeen howlgaladdaas waxay ahayd inaysan u soo gudbin dhaqdhaqaaqa shacabka gudaha Imaaraadka Carbabta, si ay xukunka ugu sii dheganaadaan.
Daminta kacdoonka, waxay iska kaashadeen dowladdaha khaliijka, gaar ahaan Sacuudiga, Baxreyn iyo kuwo ay ku xod-xoteen dhaqaale, iyo taageero kale. Faragelin militari ayaa laga bilaabay dalka Yemen 2015kii, taasoo horseed ay ka ahaayen dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudiga, ayagoo kaashanaya sagaal dal oo ka socda Bariga Dhexe iyo Afrika.
Duqayntii diyaaradaha Sucuudiga ayaa si dhakhso leh loogu fidiyay inta badan Galbeedka Yemen oo ay ku jiraan goobaha shacabka degan yahay, halka Imaaraatka uu hoggaaminayay ciidamada dhulka ee Koonfurta.
Balse, Imaaraadka Carbabta waxay dagaalka Yemen ka la haayeen qorshe uusan la ogayn Sacuudiga. Amiir Mohammed bin Zayed Al Nahyan (MBZ), ayaa labo kulan kula yeeshay aqalka Kremlin madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Kulamadaas, waxay Moscow ka dhaceen March 24, 2016, iyo April 20, 2017.
HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJ
Sida laga soo xigtay saraakiisha labada dhinac, wadahadalka waxuu ku qotamay dagaalka Yemen. Balse khabiirada siyaasada, waxay ku doodayaan in booqashada MBZ ee Moscow ay u badan tahay inay fududeyso soo laabashada Ruushka ee Koonfurta Yemen, (www.atlanticcouncil.org April 25, 2017). Taas, ayaa la filayaa inay qayb ka tahay dhismaha ciidamada Koonfurta Yemen ee aan tiradooda la xaqiijin karin, ujeeddadooduna tahay gooni u goosadka Yementa Koonfureed.
“Imaaraadka Carabta, oo ka mid ah dhinacyada ugu awoodda badan dagaalka Yemen, ayaa bilaabay inuu kumanaan ciidamadiisa kala baxo Yemen. Taasi waxay Sacuudiga ka dhigaysaa mid ku tabar-daran dagaalka” (www.apnews.com July 24, 2019).
Dhanka kale, La-Taliyaha Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Iran ee dhanka difaaca – Mudane Xussen Dehghan, ayaa shaaciyey in Imaaraadku ay u soo direen wufuud tiro badan, si wadahadal nabadeed looga yeesho xiisadaha ka aloosan gobolka khaliijka.
Intaas wuxuu raaciyay, in tallaabada Imaaraatka ay muujineyso waxa uu ku tilmaamay “guuldaradii Abu Dhabi” (www.middleeastmonitor.com July 26, 2019).
Siyaasiyiinta ka faallooda arrimah khaliijka, ayaa sheegaya in tallaabada Imaaraadku uu u qaaday dhanka Iran ay ahayd tii labaad ee uu ku dhabar-jabinayo xulafadiisa “Sacuudi Carabiya.”
Marka ay timaado arrimaha Libiya iyo Sudan, farogelinta, Imaaraadka Carbabta waxay abuurtay degenaansho la’aan siyaasadeed iyo mid amni ee maanta haysato dalalkaas.
Dagaalkii xukunka looga tuuray Mucamar khadafy, waxaa qayb ka ahaa Imaaraadka Carbabta, ayadoo ay taageero siinaysay kooxihii ka soo horjeeday Qadafi, haddana dowladda rayidka ah ee Tripoli fadhida waxaa duulaan ku ah falaago taageero ka hela Amiirada Imaaraadka ka taliya.
Dhanka kale, Sudan markii meesha laga saaray Al-Bashir, ciidamadii xukunka qabsaday waxaa taageero dhaqaale u fidiyay Imaaraadka Carbabta iyo Sacuudiga. Balse markii heshiis awooda lagu qaybsanayo ay la gaareen kooxihii kacdoonka July 17, 2019, waxaa ka carooday Amiirada Imaaraadka. (Jamhuriyadda – Abril 17, 2019).
“Kani wuxuu ahaa shirqoolkii afgambi ee labaad ee laga soo sheegay Sudan, halkaas oo wadahadallada u dhexeeya milatariga iyo dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda ee waddanku ay u jihaysteen qaybta ugu dambeysa uguna muhiimsan ee heshiiska awood-qaybsiga ee xilliga kala-guurka” (The Washington Post – July 24, 2019).
Khabiirada siyaasadda gobolka waxay rumeysan yihiin, in Amiirada Imaaraadka Carbabta ka dambeeyaan afgebiyada la fashiliyey.
Sir ma ahan, in Imaaraadka Carbabta dagaal kula jiro dowladda Soomaaliya, isagoo u arkay in ay caqabad ku tahay danihiisa guracan ee uu ku boobayo dekadaha Soomaaliya! (Jamhuriyadda – November 8, 2018).
Imaaraadka Carbabta waxuu laaluush ku bixiyey helitaanka heshiisyo aan waafaqsaneen xeerarka caalamiga. Waxuu maamulaa dekedaha Berbera, iyo Boosaaso, isla-markaasna waxuu leeyahay saamiga ugu badan dakhliga ka soo xarooda dekedahaas, isagoo aan samayn maalgelin u qalanta saamigiisa. Sidoo kale, waxuu saldhig ciidan ka samaysatay Berbera.
“Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowladda Imaaraadka inay faragelin ku heyso dhowr dal oo Carbeed, oo ay ku jirto Soomaaliya, laguna eedayay inay hurinayaaan khilaafka. Guddoomiyaha guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Senate-ka Maraykanka, ayaa sheegay in waddankiisu isha ku hayo doorka Imaaraadku ka leeyahay rabshadaha hadda ka socda Libya, Sudan, iyo Soomaaliya” ( www.allafrica.com May 9, 2019).
Waxaa dhab ah, haddalkii Aqoonyahan Cabdiraxmaan Bashir ee ahaa “Imaaraadku waa dowlad shar ah” (Jamhuriyadda – July 10, 2019).
W/Q: Saciid Cabdisalaam Jamhuriyadda.com