WARARKA SOOMAALI

DAAWO:Wasiirka Amniga Somalia“Anigaa xilkeyga ku weynaya, hadii aan la keenin dadkii geystay dhacdadii Xamar weyne”iyo Rag Gacanta-Video

By Abdi rashid

September 28, 2017

Maxamed Abuukar Isloow Wasiirka amniga Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay amaan darada Gobalka Banaadir ay korortay maalmihii la soo dhaafay arintaasina ay tahay wax aan loo dulqaadan karin.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wasiirka ayaa sheegay in ay shacabka Ciriiri giliyeen oo la xiray inta badan walina ay dilal, qaraxyo iyo weeraro ay ka dhacayaan  Xaafadaha Magaalada Muqdisho taasina ay keeni doonto in ay xilkooda ku waayaan Saraakiil Ciidan.

“Shacabka waxaan gilinay Ciriiri wadooyinka waan ka xirnay jid cadayaasha sidoo kale waan xirnay dilalkiina waa socdaan suurta gal maahan in shalay bartamaha Xamar weyne lagu dilo shaqaale Dowladeed dadkii dilayna aan qaban weyno waa in aan ogaana halka uu qaladka ka jiro” ayuu yiri wasiir Isloow.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay amni darada Muqdisho ay keeni donto Ciqaab ku dhacda Saraakiisha amniga hadii aysan cadeynin ilaa Axada dadka ka danbeeya weerarada Muqdisho.

“Dad badan ayaa xilkooda ku weyn doono oo aan aniga ku jiro hadii aan 3 maalmood lagu cadeynin dadkii ka danbeeyay dhacdooyinkii magaalada muqdisho Bilooyinkii la soo dhaafay ee waa inaan soo saarnaa raga dhibaatada ka wada muqdisho” ayuu yiri Wasiir Isloow.