WARARKA SOOMAALI

50 milyan oo Dollar oo dheeraad ah oo loogu deeqay Syria, kadib dhul-giriirkii  

By xuseen waashitoon

February 16, 2023

Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ahna xaakimka Abu Dhabi ayaa waxa uu amray in 50 milyan oo Dollar oo dheeraad Gargaar ahaan loo siiyo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Syria.

Wakaallada Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa baahisay inay dowladda Imaaraadka sii wadi doonaan dadaaalkooda aan daalka ahayn ee ay ku garab taagan yihiin dadka Reer Syria iyo inay siin doonaan Kaalmooyinka lama huraanka ah.

20 milyan oo ka mid ah Kaalmada Lacageed ee 50-ka milyan ee Dollar ayaa waxaa loo qoondeeyey in lagu fuliyey Mashaariicda Samafalka Aadminimo, iyadoo laga jawaabayo Baaqii Degdega ee QM ee Garmadka dalka Syria,  iyadoo Mashaariicdaasi lala kaashanayo Xafiiska QM ee Xiriirinta Hawlaha Bani’aadminimada ee OCHA (The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA).

Yaboohan Cusub ee uu Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan maanta ku dhawaaqay waxaa ka horeysay Kaalmo Lacageed oo dhan 50 milyan oo Dollar oo uu bishan February 7-dii ugu deeqay dadka ay waxyeelada ka soo gaartay Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Syria.