|

Axmed Madoobe oo bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gedo.

Dhoobley (HM) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas, isaga oo kala hadlayay la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu Axmed Madoobe amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka si looga saaro deegaannada ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu u balan qaadey Axmed Madoobe Saraakiisha Ciidamada Jubbaland in la siin doono agab kasta oo ay u baahan yihiin,hayeeshee dhankooda looga baahan yahay inay bilaabaan dagaalka Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Saraakiisha uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland ayaa laba Todobaad ka hor waxaa ay Magaalada Dhoobleey kusoo bandhigeen Ciidamo farabadan, kuwaas oo ay Saraakiishu sheegeen inay fulin doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo cid kasta oo cadaw ku ah Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo doorashadii uu ku qabtay Kismaayo kahor timid Dowladda federaalka, waxa uu wadaa abaabul uu dib isugu uruurinayo Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas, si aan saameyn taban ugu yeelan dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada DFS.

Maanta waxa uu la kulmayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, waxaana kulan kale uu kula ballansan yahay Saraakiisha Kenya ee hogaamineysa howlgalka AMISOM gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee shalay Dhoobley ku tegay diyaarad militeri oo ka qaaday magaalada Kismaayo oo ay leyihiin ciidamada cirka ee dowladda Kenya

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=82133

Posted by on Feb 23 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...