|

Daawo:-Soomaliland oo war kasoo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Muuse Biixi-Video

Hargeysa (HM) -Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay Xafiiska Raysul Wasaaraha Itoobiya ku dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Somaliland ayaa sheegtay in kulankaasi uusan aheyn mid khuseeya wada-hadallada labada dhinac oo Sanadihii udambeeyay u muuqday kuwo lagu fashilmay in dib loo furo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO 

Wasiirka Arrimaha dibada ee maamulka Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa ka dhawaajiyey in kulankaasi uu ahaa mid is-macasalaameeyn ah kaliya, maadama uu dhamaaday shirkii madaxda Midowga Afrika.

Wasiirka ayaa faah-faahin badan ka bixin waxyaabihii lagaga wada-hadlay Kulankaasi, wuxuuna yiri “Markii uu dhammaaday shirka madaxda midowga Africa, Madaxda ka qeybgashay oo dhan ayaa ismacasalaamaynayey, madaxweyne Farmaajona halkaas ayuu yimi, sidaas ayeyna ku kulmeen labada madaxweyne, warkuna intaas ayuu ku dhan yahay”.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa galabnimadii Axadii u dhoofay magaalada Addis Ababa, xili halkaasi ay ku sugnaayeen Madaxda midowga Afrika, oo ka mid yahay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulanka Muuse Biixi iyo Farmaajo ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid hore u qorsheysnaa, oo uu ka soo  shaqeeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiy, inkasta oo aan la ogeyn waxa uu ka tari doona xiisada ka dhex aloosan Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban ku sheegtay kaliya in kulan uu dhacay, ugana mahad-celisay ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo agaasimay, mana biixn wax faah-faahin oo intaas dheer.

Horufadhi.com

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81954

Posted by on Feb 12 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...