|

Daawo:-Jubaland oo eedeysay Dowladda kadib dagaalkii Seerar & Axmed Madoobe-Video

Kismaayo  (HM)-Wasiirka Warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day ay Dowladda Federaalku ku khal khal gelinayso nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in fashiliyeen qorshe ay dowlada federalka Soomaaliya ku dooneysay inay ku wiiqaan ammaanka Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ciidanka amniga Jubbaland waxa ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah balse wuu dhicisoobay.”ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Waxaa uu sheegay wasiirku in Ciidanka Jubbaland ay Caddaaladda horkeeni doonaan Kooxdii maanta rabashadaha ka sameysay Kismaayo.

Iskahorimaad hubeysan oo maanta ka dhacay maanta magaalada Kismaayo ayaa sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Waxana uu iskahorimaadkan ku soo beegmay xilli ay maanta gaareen magaalada Kismaayo taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamota.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81962

Posted by on Feb 12 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...