|

Daawo:-Aabe Ilyaas oo ka hadlay sababta toogashada looga reebay mid kamida raggii u xukunaa kiiska Caasho yar-Video

Boosaaso (HM) – Aabe Ilyaas Aadan oo dhalay, marxuumad Caa’isho ayaa ka hadlay xukunkii dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey labo ka mid ah ragii loo xukumay kiiskaasi, kuwaas oo saaka lagu dilay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso.

Aabe Ilyaas ayaa soo dhoweeyay toogashada lagu fuliyey, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame & Cabdishakuur Maxamed Dige, isagoo sheegay inuu faraxsan yahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukunka la fuliyey uu daawo u noqon doono gabar kasta oo Soomaliyeed, gaar ahaan inaan dumarka lagula kicin kufsi iyo dil.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Maanta waxaan qisaasanay nimankii dilka iyo kufsiga u gaystay gabadhaydii Caaisho, waana dul-tegay meydkooda oo waan hubiyay inay dhinteen labada ruux ee la toogtay, waana ku faraxsanahay in xukunkii la fuliyey” ayuu yiri Aabe Ilyaas Aadan.

Valueimpression Placeholder

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ah xukunsanaha saddexaad looga reebay toogashada.

Ilyaas Aadan ayaa carabka ku dhuftay inay isku afgrteen isaga iyo qoyskiisa in dib loo dhigo muddo 10 cisho ah, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaan weli Cabdisalaan lagu helin caddeymo rasmi ah oo muujinayo inuu qeyb ka ahaa falkaasi, inkastoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Kiiska Caaisho Yar ayaa muddo dheer soo jiitamayey wuxuuna soo maray marxalado kala duwan iyo maxkamado dhowr ah oo ku yaalla deegaanada maamulka Puntland.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81935

Posted by on Feb 11 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...