Home » February 29th, 2020 Entries posted on “February, 2020”

Daawo:-Puntland oo nasiib daro ku tilmaamtay dagaaladii Dowladdu ku qaaday Ahlusunna-Video

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay nasiib daro weyn dagaalkii Ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen Xaruntii Ahlusunna ee magaalada Dhuusamareeb oo ugu dambeyn ay la wareegeen. Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay ka xun tahay waxa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb. Waxa uu sheegay in dhacdadan ay astaan u […]

February 29th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Warbixin gaara oo ku saabsan Xaalada Galmudug & qaabkii ay isku dhiibeen hoggaanka Ahlusunna.

Muqdisho (HM)-Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya goor hore oo saaka kadib dagaal xoogan oo labadii casho ee lasoo dhaafay ka soconayey magaalooyinka Dhuusamreeb iyo Degmada Guriceel, dagaalka oo ahaa mid aan waxba la iskula hadhin isla markaana jilbaha la isku aastay ayaa ugu dambeyn […]

February 29th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Macalin Maxamuud hoggaamiyaha Ahlusunna oo ku dhawaaqay inay ka taanasuleen Siyaasadii Galmudug-Video

Dhuusamareeb (HM) – Hoggaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa ku dhawaaqay in uu guud ahaan ka tanaasulay Siyaasadda maamulka Galmudug. Macallinka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii waxyeelada ku gaartay dagaalkii 24-ka saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, waxaana uu sheegay in Ahlu sunna aanu ahayn Urur ama dad baneysta […]

February 29th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Video:-Ahlu Sunna oo hubkeeda & gaadiidkeedii dagaalka ku wareejisay Dowladda Soomaaliya.

Dhuusamareeb  (HM) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna ee isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan dagaalladii ugu dambeeyey ee saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. HALKAN KA DAAWO VIDEO Ugu horreyn Shaakir ayaa sheegay in amnigooda, tii magaalada […]

February 29th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Macallin Maxamuud & Sheekh Shaakir oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhuusomareeb (HM) – Hoggaamiyayaasha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya, ayada oo uu soo dhamaaday dagaalkii ka socday Dhuusomareeb. Xarunta INJI, oo ahayd halkii ay degenaayeen hoggaanka Ahlu-Sunna, islamarkaana uu shalay dagaalka xooggan ka dhacay ayaa aroortii saaka u gacan gashay ciidamada dowladda oo gudaha galay. Hoggaanka Ahlu-Sunna […]

February 29th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Soomaliland oo sheegtay inay hub iyo gaadiid dagaal ka qabsatay Puntland-Video

Hargeysa (HM) –Taliska guud ee ciidamada maamulka  Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyey dagaallo saaka iyo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. War qoraal ah oo ka soo baxay milatariga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in saaka abaaro 6:30 subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Kadhada oo 18 KM u jira […]

February 26th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Dagaal Khadhaadh oo ka soconaya Gobolka Sanaag & Ciidamada Soomaliland oo saaka..

Laascaanood  (HM) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in goor dhow dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamullada Somaliland iyo Puntland uu dib uga qarxay deegaanka Hadaaftimo oo ka tirsan gobolkaasi. Dagaalka oo weli socda ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaana Yubbe ay saakay u soo ruqaansadeen dhinaca Hadaaftimo, […]

February 26th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Dagaal saaka dhexmaray Ciidamada Soomaliland & kuwa Puntland ee Gobolka.

Laascaanood  (HM ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland oo saaka aroortii hore ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Laasqoray oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waooyiga Somalia. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka noocyadiisa […]

February 25th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Suuqa Lacagaha qalaad ee Forex oo si wayn looga digay & Soomaliland oo mamnuucday-Video

Muqdisho (HM)-Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay ka taagneyd Xasarad ka dhalatay Lacago la sheegay in Dadkii lahaa ay khasaareen markii ay gashadeen Adeega Forex ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa uu si kulul ugu hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee  […]

February 24th, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Axmed Madoobe oo bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gedo.

Dhoobley (HM) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaas, isaga oo kala hadlayay la-dagaalanka Al-Shabaab. Waxaa uu Axmed Madoobe amray Saraakiisha Ciidamada ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan […]

February 23rd, 2020 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...