|

Daawo:-Gen Guulwade oo sheegay in dagaalkii Siyaad Barre SNM ku qaaday sax ahaa & Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay-Video

Muqdisho (HM)-Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii aheyd ku qaaday Gobolada Waqooyi ee hadda la baxay maamulka  Somaliland.

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” ayuu yiri Jen. Guulwade Wareysi uu siiyay Barnaamijka Garnaqsi ee soo saaraha ka yahay Wariyaha rug-cadaaga ah Yuusuf Xasan oo ka baxa Shabelle TV.

Sanadkii 1988 ayay aheyd markii dowladdii Milateriga ay diyaarado ku garaacday Hargeysa, xilli ay socdeen dagaalo u dhaxeeyay Jabhadii SNM iyo dowladdii uu hoggaaminayay Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81606

Posted by on Jan 22 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...