|

Daawo:-Al Shabaab oo War kasoo saartay Fanaanka la sheegay in kooxdooda katirsanaa-Video

Muqdisho (HM)-Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal heysay Muuqaal ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo Nin Fanaan ahaa ku qiranayo in uu katirsanaa Al Shabaab.

Fanaankan oo lagu magacaabo Axmed Gaarane kana tirsaaa kooxda Fanka ee gobolka Banaadir ayaa muuqaalka ku qirtay in uu xubin ka ahaa Al Shabaab una qaabilsanaa dhinaca xuuraanka iyo maaliyadda.

Sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta kooxdaasi taageerta ayaa beeniyay warka kasoo baxay Nabad sugida Soomaaliya oo ku adanaa in Fanaan Axmed Gaarane xubin ka ahaa kooxda Al Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay sargaalkan katirsan Al Shabaab ninka ay soo bandhigtay Hay’ada Nabad sugida uusan kooxdooda katirsaneyn wax xiriir ah haba yaraatee uusan la laheyn ayna tahay war qorshe kale laga leeyahay.

”Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Mujaahidiinta ama la shaqayn jiray,tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya”ayuu yiri sargaalkan katirsan Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili Fanaan caan ka ahaa magaalada muqdisho oo maalmahan u xirnaa Sirdoonka Soomaaliya uu qirtay in Al Shabaab katirsan yahay taa oo dad badan fajiciso ku noqotay aadna loo hadal hayo.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81604

Posted by on Jan 22 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...