|

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo jawaab lama filaana ka bixisay hadalkii Erdogan ee Shiidaalka.

Muqdisho (HM)-Dowlada Soomaaliya  ayaa jawaab aan toos aheyn ka bixisay hadal shalay kasoo yeedhay madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan oo ku saabsanaa in ay Dowladda Soomaaliya Casuumtay Dalkiisa Badda Soomaaliya ka sameeyaan Sahamin Shiidaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

War lagu soo daabacay wakaaladda wararka ee Dowladda Soomaaliya wararka u faafisa ee  Somali News Egancy SONNA waxa lagu sheegay in aanan weli la gaadhin xiligii Badda Soomaaliya laga sahmin lahaa shidaal.

Wasiirka batroolka iyo macddanta Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in aan la gaadhin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka Soomaaliya isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo baahan yahay in la dhameystiro.

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Badroolka Soomaaliya ayaa sheegay in xidhiidh walaalnimo iyo mid wax wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaadhin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro”

Wasiirka ayaa sidoo kale intaas ku daray isla markaana ka dhawaajiyay in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran la wada ogyahay.

Arrinta ayaa kusoo beegmeysaa xilli madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu shaaca ka qaaday in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=81564

Posted by on Jan 21 2020. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...