|

Boosaaso askar ka tirsan Daraawiishta Puntland oo xalay weerar lagu dilay, wararkii ugu dambeeyay.

Boosaaso (HM) – Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii xalay weerar qorsheysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu qaaday gaadhi ay la socdeen askar ka tirsan kuwa daraawiishta maamulkaasi, xilli ay marayeen bartamaha magaalaadaasi.

Rag hubeysan oo aan weli la garan heybtooda ayaa la sheegay in weerarka ay fuliyeen, kuwaas oo goobta isaga baxsaday falka kadib, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo Puntland ay ka soo saartay weerarkaasi ka dhacay Boosaaso oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi ciidamada amnigu haatan ka wadaan halkaasi.

Boosaaso oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee hoostaga Puntland ayaa waxaa mararka qaar weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ayaase amnigu waxa uu ahaa mid degan, marka laga tago xiisado u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo xukuumadda Siciid Deni oo ka taagan halkaasi.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=80989

Posted by on Dec 9 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...