|

Xiisad ka taagan Boosaaso & Magacyada siyaasiyiinta iyo odayaasha u xidhan Puntland.

Boosaaso (HM) – Maamulka Puntalnd ee uu hoggaamiyo  Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xadhiga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgaradka Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada ah in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso lagu xidhay markii labaad siyaasi Muuse Cali Jaamac oo loo heysto inuu kasoo horjeedo xukuumada Puntland iyo warar uu ka sheegay warbaahinta oo ku saabsan xaaladda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay xukuumada Puntland xidhay odayaal warbaahinta la hadlay oo ka hor yimid qorshe Imaaraadku kula wareegayo Garoonka Boosaaso iyo heshisikii hore ee dowladda.

Odayaasha Gobolka Bari ee ilaa hada u xidhan Xukuumadda Puntland waxaa ka mida:

1- Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble

Valueimpression Placeholder

2- Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

3- Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe

4- Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax

5- Siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac

Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaadhinta iyo dhismaha Dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin.

Sidoo kale, odayaasha iyo siyaasiyiinta halkaasi ku shiray, ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay in ay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale oo muhiima ku wareejisay, shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Dhammaan odayaasha la qabtay, ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay haatan ku xidhan yihiin, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka gaabsaday in la xigto codkooda iyo magacyadooda.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=80885

Posted by on Dec 3 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...