|

Xeer ilaaliyaha cusub ee Soomaaliya oo xilka la wareegay xili uu cafis dalbaday Axmed Cali Daahir-Video

Muqdisho (HM)-Suleymaan Maxamed Maxamuud, xeer Ilaaliyaha cusub ee Soomaaliya oo xilka kala wareegay Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa loo dhaariyey jagadda xili uu balanqaadey hufnaan iyo daacadnimo.

Mr Daahir oo xilka looga qaadey digreeto 25-kii bishaan November ee sanadkan 2019 kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu jagadan hayey ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay.

Munaasabadda xil wareejinta oo uu khudbad ka jeediyay ayaa wuxuu ugu mahadceliyey xubnihii lasoo shaqeeyay oo uu kula dardaarmay howlkarnimo iyo in ay la shaqeeyaan xeer-ilaaliyaha cusub “oo aysan is-dhigan”.

“Anigu waan daalay lix sannaan meeshaan joogay. Markaan daalay waxaa laga yaabaa in aan shaqadii ka gaabiyey,” ayuu hadalkiisa ku daray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO – GA

Wuxuu raaciyey: “Hadaad ila gaabiseen, hadda nin cusub ayaan idin yimideen, inta uusan usha idin ku dhufanin ka horumara, ka dheereeya”.

Gabagabada hadal-jeedintiisa, Axmed Cali Daahir, ayaa cod dheer wuxuu ku waydiistay dhamaan howladeenadda xafiiskiisa in ay ka cafiyaan “wixii qalad ah”.

“Annigana waan cafiyey, ciddii aan wax ka tabanaayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Daahir oo gacanta ku hayey kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Xeer-beegtadda hoostagta Qaramadda Midoobay oo galkaan loo gudbiyey bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa June 2020 waxay dib u bilaabeysaa dhageysiga ugu dambeeya iyadda oo kadib soo saareysa xukunka dacwada.

Dhinaca kale, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo munaasabadda kadib loo dhaariyey xafiiska ayaa balanqaadey in uu horumarin doono aqoonta shaqaalaha xeer-ilaalinta uuna xidida u siibi doono “raadinta cadaalo darro”.

“Waxaan rabaa in aan gaarno in qofka Soomaaliga uu ku kalsoonaado shaqadda la qabanaayo daacadnimo iyo hufnaanna in ay meeshaan ka jirto dadka ay marqaati ka noqdaan,” ayuu Suleymaan ka sheegay xafladda.

Soomaaliya oo tan iyo 1991-dii kasoo kabaneysa burbur ka dhashay dagaal sokeeye ayaa la tilmaamaa in nidaamka garsoorka uu liito, taas oo ay Qaramadda Midoobay sheegtay in rayidka qaar ku riixdey in argagixisada u tagaan.

Horufadhi News

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=80854

Posted by on Dec 2 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...