|

Sanbaloolshe:-Dadka hadda taalada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi-Akhriso

Muqdisho (HM)– Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya [NISA], C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Universal TV kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.

Sanbaloolshe ayaa eedymo culus u jeediyay madaxda Villa Somalia, oo ku eedeeyay inay isku soo koobeen taladii dalka, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee la degay dalka.

Siyaasigan ayaa soo dhaweeyay Caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, balse waxaa wax laga xumaado uu ku tilmaamay go’aaminta dhanka safarka ee dowladda Federaalka.

Sanbaloolshe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii uu Salaad Cali Jeelle ugu gefay marti-sharaftii iyo madaxdii ka qeybgashay caleemo saarkii Kismaayo, oo uu ku tilmaamay “dulaaliin”.

“Salaad hadaladaas uu leeyahay , dadka soo dirsaday kuma dhiiradeen, waa ceeb in wax yaabaha qaarkood ku hadlo, dadka Soomaaliyeed ixtiraam ayay ka mudan yihiin,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dadkii Soomaaliyeed ee isagu tagay Kismaayo ayuu ku tilmaamay inay muujiyeen Soomaalinimo, islamarkaana ay soo bandhigeen in iyagoo lagu dhex-jirin ay ka tashan karaan mustaqbalka dalka.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in hogaamiyeyaasha dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dhisaan kasoonida iyo is-aaminaadda shacabka, taasoo ku xiran yahay jiritaankeeda iyo awoodeeda.

Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey in Muqdisho laga dhigay meel ciriiri siyaasadeed [Shrinking Political space] ka jiro, oo lagu caburiyo siyaasiyiinta feker ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.

“Wixii Kismaayo ka dhacay [Caleemo saarkii Axmed Maxamed Islaam] waa wax lagu faano, ee ma qabo in la dhaleeceeyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxuu wax aan micno badan lahayn kasoo qaadey Sanbaloolshe raali-ahaanshaheeda doorashadii ka dhacday Kismaayo, balse wuxuu ku baaqay in la meel la iska dhigo wixii tagey, oo hadda la abuuro jawi wadashaqeyn ah oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu damaciisa gaarka ah meel iska dhigo, lana shaqeeyo dowlad goboleedyada, si dalka looga saaro xaaladda uu hadda ku jiro, islamarkaana laga adkaado Al-Shabaab.

Waxa uu ku tilmaamay dadka hadda haya talada Soomaaliya kuwa ku shaqeeya aragtida qaldan oo ah “facaa iska-celi iyo anigaa iri la igama daba hadli karo”, taasina aan dalkan mudada dheer colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed kusoo jiray aan lagu maamuli karin.

“Dadka hadda talada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi, anaa iri la igama daba-hadli karo,” ayuu Sanbaloolshe ku jawaabey mar su’aal laga waydiiyay jahwareerka hogaanka ka jira.

Sanbaloolshe waxa uu daboolka ka qaadey in Al-Shabaab ay xogta ka heshay hay’adaha dowladda dhex-dhexdooda, taasina ay fashiliso marwalba qorshaha dalka lagu xoreynayo, ilamarkaana lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=79210

Posted by on Oct 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Sanbaloolshe:-Dadka hadda taalada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi-Akhriso”

  1. Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal dhawra lagula kufay dawladii Culusaw, kuna helay si nasiib ah. Ugu horeyn waxa loo dhiibay safiirka Somaliya ee UK, derejadaana waxa xaq u lahaa ruugcadaa safiira oo la jaan qaadi kara dawlada guunka ee caalamku ku tix geliyaan dublimaasiyada loo metelo si xirfadaysan. Isla markiiba dawladii Ingiriiska waxay aragtay inuu golayaasha dawlada Uk uu ku hor kufayo oo guugurad kaga jiro dublimaasiyada wayna ka diideen inay u ogolaadaan inuu noqdo qof uga wakiil dawlada Somaliya. Isla markiiba waxa haddana lagula kufay ciidankii nabad sugida, oo la ogaa khaladaadkii dawladii magacawday ay xilkii uga qaaday. Wuxuu haddana nasiib kale ka helay nabad iyo nolol oo iyaguna kula kufay mar 2aad taliyaha ciidanka nabad sugida, waana kii dawladiisii ceebeeyey ee u dhiibay Qalbidhagax Itobiya, magac xumana u soo jiiday Nabad iyo nolol, oo ilaa hadda lagu eedeeyo denbigii uu galay Sanbaloolshe, isagoo ku handiday R/wasaaraha amaankiina ayaan ilaalinaya ee ka baxa arrinta Q/dhagax.
    Maalmahan waxa iska soo daba dhacayey khaladaad badan iyo dagaalkiisa siyaasadeed iyo cadaymaha inaanu khibrad siyaasadeed lahayn, wuxuuna ku hadaaqay in dib loogu noqdo dagaaladii sokeeye, Xamar oo caasimadii Somaliyeed ahna wuxuu ka dhigay inay tahay magaalo beeleed oo aan u qalmin caasimad Somali kulmisa. Taasoo jawaabteedu noqonayso tan anagaa leh ee Somaliyey samaysta caasimad kale. Waana hadday ka yeelaan 2da reer ee Xamar iyo xamardaye (reer Mataan, Murursade), oo ay u saxeexaan sida Sanbaloolshe iyo dal gadyadu doonayaan.
    Waxa ugu danbeeyey video uu kaga hadalay gobolada waqooyi iyo siyaasada ku wajahan, isagoo ku gefay Somalida degta waqooyi, waana inuu ka bixiyaa raaldi gelin taama uu ku yidhaahdo Somaliyeey iga raaldi ahaada waan idin ku gefay. Waqooyi waxa dega beelo badan, isagu wuxuu waqooyi siiyey SNM gaar ahaan Jeegaanta, isagoo ku doodaya waa la laayey, yaab. Nebigeenii NNKH ahaatee wuxuu xadiis saxiixeynka ku qoran inoogu sheegay “Qofku waa u cadaw, wuxuu jaahil ka yahay”(Al mar u Cadawu limaa jaahilihi). Marka la isku daro SNMta mucarad iyo muxaafad, 1988 ilaa 1991kii iyagaa soo weeraray oo cadaw u soo raacay dawladii Somaliyeed, wixii ay u geysatayna SNM baa u sabab ahayd oo shacabkii ku dhex dagaalantay, oo noloshoodii burburisay. Markii dawladii burburtayna iyagiibaa iskula soo jeestay (dagaalkii suufaloolka) oo intii loo tirinayey dawladii kacaanka in ka badan iska dilay, sidii USC ay dhexdeeda isu dishay oo iyana iska dishay in ka badan wixii kaga maqnaa dawladii kacaanka. Haddaba, Sanbaloolshe wuxuu ku hor kufay iclaamkii ummadda isagoo been fidinaya oo dulmi hor leh ka geleya Somali meel kasta ay joogto(Sanbaloolshe waa daalim).

    Sanbaloolshe isagoo isla quman buu yidhi waqooyi halagala xisaabtamo Muuse handaraab, oo ah denbiile xasuuqay shacabkii Dila ee gobolka Awdal(900 dhimasho ah iyo 2000 dhaawaca ), sidoo kale ina Kaahin waa denbiile, Nuux Taani iyo Siilaanyo waa denbiileyaal Kalshaale. USC intoodii shacabka iska xasuuqday waa denbiileyaal dagaal. Somaliya waxay u baahan tahay sidii koonfur Afrika dib u heshiisiin dhaba, waa in loo sameeyo gudi dib u heshiisiin dhaba, waana in la loo wada yeedho wixii denbi laga tirsanayo, markay cafis ummadda ka dalbadaanna waa in Loo sii daayo si xoriyada. Waayo koonfur Afrika qofkasta markuu qirtay denbigiisii, waa la is wada cafiyey. Waqooyigan ay dadka siyaasada kufsadaa ku waasheen khalad ka fidinta aan dhamaadka lahayn, ama ka dhiga hanti dad gaari leeyihiin, adeerayaal waxa leh ummadda Somali, waana dhul Somaliyeed, danley ma laha. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...