|

Xubno maamulka Soomaliland ka tirsan oo ka qayb galay caleema saarka Axmed Madoobe-Sawiro

Kismaayo (HM)-Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada maamulka aqoonsi raadiska ah ee  Somaliland, Maxamed Aadan Ilkacase ayaa ka soo dhex muuqdah caleema-saarka madaxweynaha doorashaduusu muranka dhalisay ee maamul gobaleedka Jubaland Axmed Madoobe.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa horey u sheegay in ay wafti u dirayaan Caleema saarka Axmed Madoobe.

Xubtan ka socotay maamullka Soomaliland isla markaana kasoo dhexmuuqday Caleema saarka Axmed Madoobe ee maanta oo sabti ah ka dhacaya magaalada xeebta saaran ee Kismaayo ayaa waxaa hore ugu dhawaaqay inay ka qayb galayaan shirkaas xubnaha aan soo xusnay ee Soomaliland wolow markii dambe ay sheegeen inay ka laabteen go,aankaas.

Mudane Ilkacase ayaa ka tirsan Xisbiga Kulmiye isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii Somaliland soo maray.

Horufadhi News

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=79084

Posted by on Oct 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...