|

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay go,aan Kenya digniin u ah & Diyaaraha Kismaayo ka degayo oo..

Muqdisho ( HM) Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya Kismaayo, Waxaana  lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya oo ku socda Kismaayo.

Sidoo kale waxaa qoraalka ay iskula hadlaan duulimaadyada lagu sheegay in diyaaradaha aadaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, taasoo ahaa go’aan horay u jiray oo mar kale dib loo cusbooneysiinayo, waxaana la ogeysiiyay amarkan dowladda Kenya.

Tallaabadan ayaa  kusoo aaday Xili la filayey in wafdi ka socda Kenya inay maalinta berri ah ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Qorshaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya u soo saartay amarkan ayaa ah in haddii la jebiyo amarkaas ay qaadato go’aan culus oo noqon doona mid saameyn ku yeesha xidhiidhka Soomaaliya iyo kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa horay u fasaxday Duulimaadyada gudaha ee ku wajahan magaalada Kismaayo, waxaana shalay iyo maanta halaasi gaadhay Madax ka tagtay magaalada Muqdisho iyo Garoowe.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=79060

Posted by on Oct 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...