|

Daawo:-Muxuu ku jawaabay Madaxweynaha Rwanda oo Gabadh waydiisatay inuu aqoonsado maamulka Soomaliland-Video

Addis ( HM ) Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta aqoonsi raadiska maamulka Somaliland, ka dib markii gabadh Kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo ka Qayb gashay Shirka Dhalinyarada Afrika oo dalkaasi lagu qabtay  ay codsatay in Rwanda ay aqoonsato Somaliland.

Madaxwayne Paul Kagame ayaa arrinta aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay su’aal adag, isagoo sheegay in marka aqoonsi la doonayo loo maro nidaam caalamiya oo uu hagayo sharci iyo siyaasad.

HALKAN KA DAAWO

“Anigu waxba kama qaban karo shaqsi ahaan imikadan aan hadlayo waa mid loo baahan yahay in shuruudaha la buuxiyo.”  Ayuu yidhi Kagame oo ka hadlayay shirka dhalinyarada Afrika oo ka qabsoomay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

“Waan maqlay in Somaliland ay ka go’day dawladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale abuurmay dawlad gobolleedyo kale, dawladda federaalkuna ma ogola go’itaankiina laakiin waa mid ku xidhan sida aad shuruucda caalamiga ah iyo nidaamka dawladaha lagu aqoonsado aad u buuxisaan”, ayuu intaas ku daray hadalkiisa madaxwyne Paul Kagame.

Maamulka aqoonsi raadiska ah ee Hargeysa ayaa 22 kii sano ee lasoo dhaafay sidan oo kale adduunka u ordayey si ay caalamka ugu bandhigtaan qadiyadan aqoonsi raadiska balse meel kasta waxaa ay kala kulmayeen jawaabo aan dabac lahayn oo iyo inay maraan sharuucda caalamiga ah marka dal aqoonsi rabo taasoo maamulka Hargeysa iska indho tirayo.

Horufadhi News

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=79054

Posted by on Oct 12 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...