|

Daawo:-Hoggaamiyaha Jubaland ooo qaadacay nuxurka shirkii Bahwadaagta Soomaaliya-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sheegay in dalka “uusan anfacayn” war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii labadda maalin ka socday magaaladda Muqdisho.

Madasha Bahwadaagta Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen 50-dowladood ayaa waxaa ka baaqday ka qeybgalkiisa madaxweyne Farmaajo, talaabadaas oo ay ka xumaadeen xubnaha Beesha Caalamka.

Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay kulanka maadaama aanan wax talo ah laga siinin. Maamulka Kismaayo waxaa u wehlisa in loo diidey in uu kaga qeybgalo shirka metelaad heer madaxweyne ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Axmed Madoobe oo habeenimadii Arbacadda kasoo muuqday munaasabad ka dhacday Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay “in arrimaha masiiriga ah” si wadajir ah go’aan looga gaaro.

Sidda laga soo xigtay war-murtiyeedka, saaxiibadda aduunka ayaa doonaya in hanaan loo dhan yahay loo wajaho Doorashooyinka 2020 iyo Dhameystirka dastuurka qabyadda ah.

Qodobadan ayaa kamid ah arrimaha masiiriga ah ee maamuladda qaar iyo dowladda federaalka ay isku maandhaafeen, taasi oo dhalisay in ay  hakiyaan wada shaqeyntii kala dhaxeysa xukuumadda Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xayiraadda socdaalka ee ay dowladdu saartay Kismaayo “aysan wax saameyn ah yeelan” wallow uu si adag uga digay in ay sii jirto kana dhalan karto “cawaaqib xumo”.

Barnaamijka Deyn Cafinta oo qayb ka ah arrimaha siyaasadda loo dhan yahay safka hore kaga jirta ayuu Axmed Madoobe tibaaxay in aan “xal loo heli karin inta Villa Soomaaliya sharciga ku tumaneyso”.

Xiriirka Jubbaland iyo dowladda Farmaajo ayaa aad u hooseeyay mudooyinkii dambe, waxaana xudun u ah doorashada Axmed Madoobe oo ay qaadacday, waxaana sii huriyey xariga Wasiir Janan oo ka dambeeyay.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78846

Posted by on Oct 3 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Hoggaamiyaha Jubaland ooo qaadacay nuxurka shirkii Bahwadaagta Soomaaliya-Video”

  1. Bismillaah

    Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee buu u naqdin karaa xil loo ogol yahay maba hayee. Kismaayo waxa ka jira 3 M/weyne oo is wada doortay. Talada shacabka Somaliyeed ee Jubbaland ha loo celiyo oo ha doorteen qofkay doonaan. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...