|

Daawo:- Maayarka Hargeisa oo yidhi“Bisadda ku nool Hargeisa ayaa nasiib wanaagsan, Qofka Muqdisho Jooga”.

Hargeisa  ( HM) Maayarka magaalada Hargeisa ee maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland, Maxamed Cabdilaahi SOL-TEELKO ayaa Bixiyey Waraysi dhinacyo badan Taabanaya Wuxuuna uga hadlay Waxqabadka Dawladda Hoose ay ka wado magaalada Hargeisa Iyo Qorsheyaal kala duwan oo u degsan.

HALKAN KA DAAWO

Waxaa sidoo kale wax laga waydiiyey duqa Caasimaddan dhacda Waqooyiga Dalka ku yaala bariga qaarada Geeska Africa, Dhaliilaha kala duwan ee dul Hoganaya  Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay kamid yihiin Qashinka iyo meelaha Biyo-Mareenka ah oo aan Jirin Xili roobaadka.

Mar wax laga waydiiyey waxa lagu xasuusan doono ayuu Yidhi “Waxaa la igu Xasuusan doonaa Dab-damiska aan ka sameeyay Hargeisa, Bisadda Hargeisa waxay ka Nasiib badan tahay Qofka Ku Nool Muqdisho,  Maalin dhowayd Ciidanku waxay Badbaadiyeen Bisad ku dhacday Suuli,  Halka Muqdisho Maalinkata uu Qarax ka dhaco, oo Naftu ka tahay wax Jilicsan”

Waxaa sidoo kale  la igu xasuusan doonaa sidoo kale  Qalab ay leedahay Dawladda Hoose inaan keenay,  Arimaha Caafimaadka, waxbarashada iyo Garoomada.” Ayuu yidhi Solteelko .

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78647

Posted by on Sep 29 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:- Maayarka Hargeisa oo yidhi“Bisadda ku nool Hargeisa ayaa nasiib wanaagsan, Qofka Muqdisho Jooga”.”

  1. Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo Laga Soo Saaray”. Halka dilka iyo qaraxu hawl caadi ah ka yihiin Magaaladda Muqdishu.

    ALLOW SAHA AMUURAHA.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...