|

Xog:-Kenya oo diblumaasiyiin sar-sare u dirtay Hargeysa iyo ujeedka Kenya ee Soomaliland-Akhriso

Laascaanood (HM)-Diblumasiyiin sarre oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku sugan magaaladda Hargeysa, caasimadda maamulka Somaliland, sidda aan ku helnay xogta.

Mas’uuliyiinta ayaa ujeedka socdaalkooda yahay sidii ay u dhameystiri lahaayeen xafiis diblumaasiyadeed oo xukuumadda Nairobi ay ka furaneyso magaaladaas, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah.

Xubnahan, oo wafdi dhowr qof ka kooban ah, ayaa sidoo kale waxay booqdeen magaaladda Berbera, halkaasi oo madaxweyne Muuse Biixi uu dhowaan kasoo laabtey.

Xogta la helayo ayaa waxay intaasi ku dareysaa in saraakiisha isla Khamiista, 18-ka Septemnber sanadkan 2019, ay dib ugu laabanayaa dalkooda hooyo.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa dhextaala dood sharciyeed ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo badkeedu yahay 100 KM isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska.

Dacwadaas ayaa hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa dhageysiga gal-dacwadeedkan u fadhiisaneysa horaanta bisha November kadibna xukunka soo saareysa.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii kadib burburkii dowladii Siyaad Barre. Tan iyo waagaas ma helin ictiraaf. Caalamka wuxuu u aqoon yahay maamul ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Horufadhi News

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78289

Posted by on Sep 19 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...