|

Jubbaland oo amar kusoo rogtay shirarka lagu qabanayo Kismaayo-Akhriso

Kismaayo (HM)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah, 19 September 2019, shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada.

Kulanka ayaa looga hadlay arimo kala duwan sida nabadgalyada, waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Kismaayo laga bilaabo 20 bishan.

Ciidamadda ammaanka ayay wasiiradu si wadar ogol ah isugu raaceen in ay muhiim tahay in amar lagu siiyo in ay galaan heegan ayna muujiyaan feejignaan buuxda

“Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa bogaadiyay sida howlahaas ay Wasaaradu ilaa hada u wado guulaha badana looga gaaray,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaas.

Ugu danbayn, waxay isl ameel-dhigeen in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaanada Jubbaland kuwaas oo u baahan gurmad deg deg ah, wallow aanan la fahfaahin.

“Waxaana la faray dhinacyada ku shaqada leh inay warbixino dhamaystiran ka keenan oo lagu howlgalo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78310

Posted by on Sep 19 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...
  • Abdi: Mayarkaas Hargeisa wax baa ka jira. Media-hu waa weriyey in “Bisad Suulli Ku Dhacday La Badbaadiyey oo...
  • Rasta buuni: Rasta
  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...