|

Daawo:-Khayre oo gudoomiyey shir looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Muqdisho (HM)-—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS). ayaa maanta guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen safiirrada wadamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugantahay dalka.

Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada iyo in kaalmada amni ee dowladaha saaxiibka la ah Sooomaaliya loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha dowladda iyo rabitaanka ummadda Soomaaliyeed, guulna looga gaaro dadaallada xoreynta iyo adkeynta amniga.

HALKAN KA DAAWO 

Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka ka sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay ciidanka labadii sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayada ciidanka, dalkuna uu leeyahay rejo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah, ayaa wakiillada beesha caalamka u caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo daddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida, ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay ciidamada qaranka, arrintaas oo fududeysay in deegaanno badan laga xoreeyo argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol bulsho oo dhammeytiran.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78299

Posted by on Sep 19 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...