|

Askar ka tirsan Ciidanka Puntland oo qarax lagu dilay Buuraha Galgala, Wararkii ugu dambeeyay.

Boosaaso (HM)-Laba askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa ku dhintay ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii maanta qarax miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey degaanka Balli-Khadar ee buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa warbaahinta xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca askartaasi waxaana ay sidoo kale sheegeen in qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay baabuurka miinadu la kacday ee askartaasi saarnaayeen.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhaawacooda la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaasi oo hadda lagu dabiibayo.

Kooxda Al-shabaab oo in badan qaraxyo ka geysatay buuraleyda Galgala ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=78315

Posted by on Sep 19 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...