|

XOG:-Barak Obama walashii oo ku sugan Soomaaliland iyo ujeedka Socdaalkeeda-Akhriso

Hargeysa (HM) ― Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Barak Obama oo lagu magacaabo Dr. Auma Obama, isla markaana ah qoraa, saxafiyad iyo shakhsiyad caan ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugan caasimada maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Dr. Auma Obama ayaa waxay kamid aheyd martidii sanadkan lagu casuumay Bandhiga carwada buugaagta Hargeysa oo ay sanadkiiba hal mar ay qabato xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Socdaalka ay Dr. Auma Obama ku timid caasimada Hargeysa ayaa noqonaya socdaalkeedii ugu horeeyay ee ay ku timaado maamulka Somaliland, iyadoona martiqaad rasmiya ka heshay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Dr. Auma oo shalay khudbad ka jeedisay madasha furitaanka carwada Buugaagta Hargeysa ayaa ka hadashay dib u dhaca balaadhan ee ka jira qaarada Afrika, isla markaana ka dhawaaji madax-banaanida Somaliland, waxayna tiri

“Waa in ay beddelno fekerka ah inaynu ku noolaano deeq la inna siiyo iyo cid inna hormarisa, waayo cidina bilaash kuu horumarinayso. Fiqiirnimada aan ku noolnahay waa inaynu aqbalnaa oo aynu dedaalkeenna kaga baxnaa, oo aanayu ku xisaabtamin cid innaga saarta”.

“Kuwa ka imanaya China, Europe ama America wax aan u arkaa kuwa u yimi qaaraddeena in ay ka arkaan fursado uga bannaanada dadkooda, shirkadohooda amase arrimahooda gudaha ee siyaasadeed ama degganaansho. Waxa ay u hanqaltaagayaanaa macdanteenna, midheheenna, xooggeena, taasina waxba kagama duwana sidii xilligii gumaysiga”.

Waxayna intaas kusii dartay “Afrika waxa loola dhaqmaa oo adduunku u arkaa sidii ay tahay waddan kaliya. Waa in aynu taa ka dhiidhinaa oo u shee

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75813

Posted by on Jul 22 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM