|

Daawo:-Puntland oo ku gacan saydhay dalab Farmaajo uga yimid-Video

Laascaanood (HM)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeesatay amar uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo siiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ahaa sii deynta Guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.

Xeer Ilaaliyaha Puntland Maxamuud Xasan Aw -Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland midkoodna uusan awood u lahayn in la siidaayo xubnaha Guddiga ah ee xiran.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Aw-Cismaan ayaa sheegay in Xubnaha Guddiga ee ku kala xiran Garowe iyo Boosaaso aysan u xirneyn amar uu bixiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo mas’uul kale oo ka tirsan Puntland hayeeshee ay u xiranyihiin hay’adaha Garsoorka Puntland.

Xeer Ilaaliyaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Guddiga la xiray ay siideyntooda go’aan ka gaarayaan kaliya hay’adaha garsoorka ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75784

Posted by on Jul 21 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...