|

Soomaliland oo Puntland u daba fadhiisan doonta Xoolaha ay u dhoofiso Dalka Cumaan-Akhriso

Hargeysa (HM) ―Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya dalalka Carabta, ayaa sanadkan wajahaya caqabado iyo cadaadisyo hor leh.

Somaliland ayaa culeys xoogan kala kulmeysa dalka Cuman, taasi oo shuruud uga dhigtay xoolaha loo dhoofinayo inay soo maraan Ganacsato iskaashato reer Puntland.

Iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ayaa dadaalo badan kadib waxay ku guuleysteen sidii ay kooto ugu xiran lahaayen xoolaha loo dhoofiyo dalka Cumaan.

Talaabadan ayaa waxay ganacsatada dekeda Berbera ka dhoofin jirey xoolaha ku qasbaysa inay soo maraan iskaashatadan reer Puntland, oo ay u daba fariistan xoolaha ay u dhoofinayan dalka Cuman.

Ganacsatada Somaliland ayaa markii hore talaabadan ku gacan sayray inkasta oo markii dambe ku qasbanaaden inay ogolaanshiyaha lagu dhoofinayo Xoolaha Somaliland ay ka soo qaatan Iskaashatada Maamulka Puntland.

Somaliland ayaa bil walba xoolo kumanaana u dhoofisa dalka Cumaan, isla markaan waa suuqa saddexaad ee ay u dhoofiso xoolaheeda.

Sacuudiga ayaa isaguna hore u soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland si adag uga hor timid.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75659

Posted by on Jul 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...