|

Soomaliland oo tageertay hadal lagu sumcad dilayo Dowladda Soomaaliya-Akhriso

Hargeysa (HM) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa taageeray hadal ka dhan ahaa Soomaaliya oo ka soo baxay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ugu horreyso dalalka uu ka jiro musuqmaasuqa.

Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid wanaagsan islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu Trump ka qabo arrimaha Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Daahir Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sheegay in Somaliland aragtidaasi ay ku raacsan tahay Trump.

Wuxuu tilmaamay in dowladda ka jirta Xamar ay tahay mid musuqmaasuq ah, sida uu hadalka u dhigay.

Somaliland ayaa dadaal badan ku bixineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, si ay u hesho aqoonsi caalami ah, balse waxaa jira caqabado hortaagan ictiraafkeeda.

Dhawaan Soomaaliya ayaa xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn sare u sameysay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Tallaabadaasi ayaa waxaa ka horyimid Madaxweyne Biixi oo si aad ah ugu dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi waxaa jiray hadallo xanaf leh oo ka soo yeeray madaxada maamulka Somaliland.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75639

Posted by on Jul 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...