|

Soomaliland Dagaalkii Korneyl Caarre oo waji cusub yeeshay…

Ceerigaabo (HM) ―  Hogaamiyaha Jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ayaa waxa la filayaa inay u furmaan wada-hadalo.

Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo iyo waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray Odayaal iyo Waxgarada kasoo jeeda gobolka Sanaag.

Guddigan ayaa maalmahanba waxay wada-hadal uga socday Jabhada Kornaylka oo ku sugan buuraha duleedka magaalada Ceerigaabo.

Waxaana la filayaa in wada-hadaladasi ay qeyb ka noqdaan Mas’uuliyiin ka socda Somaliland si xal looga gaaro tabashada Jabhadan oo hore uga tirsaneyd Ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Korneyl Caare ayaa dhowr jeer oo hore dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, kuwaasi oo la filayo inay soo afmeeran wada-hadaladani.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75618

Posted by on Jul 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...