|

DEG DEG:-Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay…

Dhuusamareeb (HM) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa jugtiisa si xoogan laga maqlay gudaha magaalada iyo daafaheeda.

Dad goobjoogayaal ah aya sheegay inuu is qarxiyey Qof fadhiyey Maqaayad lagu shaaxo oo ku dhow halka lagu magacaabo xarunta Inji.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya meesha uu qaraxu ka dhacay uu wax yar u jiro xafiiska madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Khasare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli ma cadda inta uu la’eg yahay.

Ciidamo fara badan ayaa goobta isku geedaamay, kuwaasoo gabi ahaan xiran meesha uu qaraxu ka dhacay.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Dhuusomareeb haatan ay ku sugan yihiin mas’iiliyiin sar sare ee uu ka mid ah yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=75610

Posted by on Jul 14 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Rasta buuni: Maxuma
  • Turab: Bismillaah Allaah baa mahadleh, Shariif la soo gamay, mar haddii wixii caloosha ugu jirey afkiisii ka xaday....
  • Rasta buuni: War fiican
  • Turab: Bismillaah; Sanbaloolshe, waa siyaasi isagoon u qaan gaadhin siyaasada, oo qaxooti degan Ingiriiska xilal...
  • Turab: Bismillaah Axmed madoobe ma aha M/weynaha Jubbaland, laakiin wuxuu ahaa M/weynihii hore ee Jubbaland. Sidee...