|

Daawo:-Axmed Karaash oo qabtay shir looga hadlay Kufsiga faraha ka baxay ee kusoo batay Puntland-Video

Laascaanood (HM)-Shirkan oo looga hadlayay amniga iyo arrimaha Kufsiga ayaa lagu qabtay magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirka ah oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa guddoomiyay ku simaha madaxweynaha Puntland, ahna ku xigeenka maamulkaasi Axmed Cilmi Karaash.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka, iyo sida looga hortagi lahaa falalka Kufsiga ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Wasiir ku xigeenka amniga ee maamulkaasi Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay kulankaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland ka dhacayay dhibaatooyin kala duwan iyo tacadiyo ka dhan ah Haweenka ku dhaqan maamulkaasi.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=73871

Posted by on Apr 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...