|

Puntland oo sheegtay in ay Dekeddaheeda ka mamnuucday Hubka-Akhriso

Garowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa faafin rasmi ah kusoo saaray warqad horey loogu diray taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, oo lagu wargelinayay inay la socdaan in mamnuuc ah tahay ka ganacsiga Hubka.

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland C/Samad Maxamed Gallan ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan.

Qoraalka wasaaradda amniga Puntland kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in gabi ahaanba dekadaha maamulkaasi laga mamnuucay in hubka laga soo dajiyo.

Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay wasaaradda amniga ee Puntland.
Sidoo kale dadka hubeysan ayaa lagu amray inaysan geli karin Garoomada Diyaaradaha iyo dekadda Magalada Boosaaso,hayeeshee ay la geli karaan kaliya mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la mamnuucaan in agabka ciidanka looga ganacsado deegaanada kala duwan ee Puntland.

Amarkaan ayaa waxaa la ogeysiiyey, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyaga oo lagu amray inay fuliyaan Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Puntland oo tixraacaya amar horay uga soo baxay Madaxaweyne Siciid Deni.

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=73866

Posted by on Apr 15 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...
  • Kalshale: Jaamac siyaad intaas ayay garan laayihiin ka shaqaysta Maalinta xaaladdu xabad noqontana dhulbahane ayaanu...