|

Daawo:-Soomaliland oo ku kala qayb santay duulaanka Puntland-Video

Hargeisa ( HM) Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Somaliland ee la geeyay Bariga Gobolka Sanaag, Iyadoo Halkaasi ay ka taagan tahay Xiisad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Masuul ka tirsan Xisbiga Wadani yaa sheegay inuu dagaalku Khasaare uun gaysan doono Labada dhinac, Wuxuuna Tusaalle usoo qaatay midkii Tukaraq.

“Wixii khasaare ka dhacay Tukaraq ee ku dhintay labada dhinac waad ogtihiin, Maanta mar kale Wiilal ka dhinta labada dhinac ma Awoodno, Dadku maanta abaar ayay kasoo baxeen, Waxayna u baahnaayeen Gurmad ee looma Baahnayn dagaal, Wadahadal ayaana lagu xalin karaa”.

“Nasiib darro Midkii Caarre kasoo goostay ee loo balanad In Ciidamo lasiinayo oo la Qaramayno, waxaana waday maayarkii Yubbe, Saddex bilood ayaa halkaas fadhiyaa, markaa waxaanu u aragnaa Caarre ku Noqo”.

Wuxuu Fariin u diray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ” Madaxwaynana waxaan leeyahay YUBBE Ciidan uma baahna, oo iyadaa isku Filan, waxaan leeyahay dib usoo Celi ciidankaa aan Cidna lagala Tashan” .

Ciidamada Somaliland ee Gaadhay Deegaanka YUBBE ayaa sidoo kale la sheegay inu Wajahan yihiin Xingalool, Badhan iyo Jabhadda Caarre Hogaamiyo.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=73013

Posted by on Mar 17 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok