|

Daawo:-Ismaaciil Omar Geelle oo khudbad cajiiba u jeediyey Baarlamaanka Soomaaliya-Video

Muqdisho ( HM) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa Xarunta akademiyada booliska Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) ee magaalada Muqdisho ugu Jeediyey  Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwayne Geelle ayaa ka hadlay Muhiimadda ay leedahay Dawladnimada, Wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda iyo Xildhibaanadu ay Shacabka ka Turjumaan Baahidooda dhabta ah.

Geelle ayaa ku dheeraaday  Masuuliyadda saaran Hogaanka Bulshadu ay doortay, Wuxuuna Xildhibaanada labada Gole kula dar-daarmay inay u Tanaasulaan markasta oo ay Hormiyaraan danta Qaranka, Halka ay ka Fekeri lahaayeen Dan-gaar ah.

Aroortii inta aysan shaqada gelin ayuu ku Booriyey inay Xasuustaan Dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, Kuwa duruufaysan iy Kuwa Barakacay oo Ka sugaya inay wax u Qabato Dawaldoodu.

Khudbadda madaxwayne Geelle ayaa la filayaa inay meesha ka saarto Mad-madow Mudooyinkii dambe ku dhexjiray Labada Golle ee Baarlamaanka.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=73008

Posted by on Mar 17 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok