|

Al-shabaab oo la wareegay deegaanadii ay kasoo baxeen Ciidamadda Maamulka Puntland..

Garowe (HM)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo daraawiishta maamulkaasi ay isaga baxeen deegaano hoostaga Galgala.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa markii ay baneeyeen deegaanada hoostaga Galgala waxaa la wareegay Al Shabaab, sida ay baahiyen warbaahinta deegaanada maamulka Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaan ku dhow Jimbac oo ka tirsan Buuraha Galgala, waxaana la sheegay in kadib ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen deegaanka.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ay ciidamadan uga guureen  fariisinkii ay ku lahaayeen Buuralayda Galgala ee gobolka bari, balse wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan mudo dhowr bilood ah uu ka maqan yahay mushaarkii ay qaadan jireen.

Maamulka Puntland ilaa iyo hada kama  hadlin bixitaanka ciidamada ay ka baxeen saldhiga ay ku lahaayeen Jimbac.

Al Shabaab iyo Daacish ayaa ku dagaalamay deegaanada Galgala, waxaana jira loolan adag oo labada koox u dhaxeeya,  kaasi oo caqabad ku noqon kara maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in Maamulkiisa uu gali doono dagaal adag oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo arintaan ay caqabad ku noqon dooto dadaalada maamulkiisa uu wado.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=72996

Posted by on Mar 17 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok