|

Shaqaalaha Shirkadda DP World oo isaga baxaya Berbera iyo Boosaaso!!.

Berbera (HM) – Shaqaalaha Shirkadda DP World ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay xabsi xoogan 44 Maalin kadib dilkii magaalada Boosaaso loogu geystay madaxii shirkadda DP World ee magaalada Boosaaso.

Masuuliyiin ka tirsan Shirkadda DP World oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadooda ee kusugan magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera ay soo wajahday cabsi xoogan.

Madaxda Shirkadda DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo la hadlay wakaalada Wararka ee AP ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya kadib markii cabsi ay sii wajahday.

Wuxuu sheegay in shaqaalaha ajaaniibta ay soo wajahday cabsi xoogan kadib dilkii madaxii shirkadda DP world ee Boosaaso, waxaana uu cadeeyay inay taasi sababtay in shaqaalaha qaar ay baxaan.

Mr Sultan, ayaa sheegay in shaqaalaha qaar loo hanjabay taasi oo keentay inay ka baxaan magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso, waxaana uu sheegay in taasi ay caqabad ku noqon karto shaqada ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaa magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu diley madaxii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World u qaabilsanaa dekadda magaalada Boosaaso oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa Bishii February.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa kaluunka ee magaalada Bosaaso ee loo yaqaan Neg-fish oo aan sidaa uga fogeyn dekadda, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabaab oo sheegay inay ka jawaabeen cabasho ka timid shaqaalaha dekada Magaalada Boosaaso.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=72980

Posted by on Mar 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nacas, beenwaas Horufadhi website.
  • mohamuud: soomaalidu waa caddow carabtuna waa walaalaheen?
  • mohamuud: iibsashada licence ka
  • mohamuud: war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa...
  • Rasta buuni: Ok