|

Daawo:-Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo Muqdisho kusoo laabtay 30 Sano kadib-Video

Muqdisho (HM)-Fanaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa soddon sano kadib ku soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho.

Labadan fanaan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadkii la socday wafdiga uu horkacayay madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle.

“Waan soo laabanay waana ku faraxsanahay in aan dalkeenee dib ugu soo laabanay.”ayuu yiri Samatar oo sanadihii la soo dhaafay ku noolaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale Axmed Cali Cigaal ayaa sheegay in uu aad u faraxsana yahay isla markaana farxadiisa ay la mid tahay mid uu hawada sare marayo.

Fanaaniin badan ayaa hore dib ugu soo laabatay dalka inkastoo qaar ka mid ah ay dib ugu laabteen wadamadii ay ku noolaayeen oo ay ka heleen degenaansho dagaaladii sokeeye kadib.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hase yeeshee fanaantii dib u soo laabatay ayaa waxaa ka mid ahayd Allaha unaxariistee Sahdo Cali Warsame oo kamid noqotay xildhibaanada baarlamaanka balse lagu diley magaalada Muqdisho.

Lama oga in fanaaniinta timid maanta inay sii joogi doonaan ama ay dib ugu laaban doonaan waddamadii ay ku noolaayeen

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=72967

Posted by on Mar 16 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: War Majeerteen guracan iga dheh.
  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM