|

Daawo:-Shirka Xaraashka Shiidaalka Soomaaliya maanta ka furmay London iyo Xog buuxda-Video

Muqdisho  (HM) – Shirka shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London, waxaana muuqata in shirkaas lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka ee Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la xaraashayo xirmooyin shidaal, islamarkaana shirka uu yahay kaliya mid lagu soo bandhigayo macluumaadka shidaalka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay sheegtay in ujeedada shirka uu yahay kaliya inay uUmmadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manneystay.

Si kastaba, qoraal laga arki karo shaashadda laga hagayo shirka, oo ay soo bandhigtay shirkadda shirka maamuleysa ee Spectrum, ayaa waxaa ku cad in shirka lagu yaboohay laguna iibinayo xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa cinwaankiisa yahay “Tirada xirmooyinka lagu yaboohay wareegga koowaad ee London.” Caadiyan, yabooha ayaa waxaa xiga in shirkadaha daneynaya inay soo bandhigaan qiimaha ay ku iibsanayaan kadibna laga gado shirkadda ugu lacagta badan.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=71994

Posted by on Feb 7 2019. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Daawo:-Shirka Xaraashka Shiidaalka Soomaaliya maanta ka furmay London iyo Xog buuxda-Video”

  1. war dadka waxba uma haysaane xaraash macnahheda malaha ma garanaysaan 20% hadii laina siiyo faaidaan qabnaa mmarxalada lagu jiro

  2. iibsashada licence ka

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Marxuumkaas waxa loo dillay “Position ka shaqo ee uu hayey”. Sida darteed, dadka sida deg dega ah...
  • Abdi: Mr. R. Mustaqbal; Waan ka xumahay in maqaalka uu ka soo dheereeyey “Raalli gelin ay bixisay Dawladda...
  • mohamuud: BEESHA ISAAQ DADKA WAR HAUGA DHIGIN MAGACOODA WEBKA DHAN BAAD KU XAYAYSIISATAY MA HUNGURI SHILIMO AYAA GALAY
  • turab: https://www.youtube.com/watch? v=6CtwuCk1vKM
  • Turab: Bismillaah Shirtag, ma shalay buu waalaa mise maanta? Shalay wuxuu diidanaa qoladaa gooni goosatada jeegaanta,...