|

Maqaal:-Fahanka Dhabta ah ee Qorshaha ee Isbaahaysiga ARAB-NATO.Qaybtii labaad-Akhriso

Muqdisho (HM)-Mar hadaan sheegnay Hindisuhu sida uu ku yimid iyo Ujeedada dhaqaale ee ay reer Galbeedka oo maamulka Madaxweyne Trump ugu Tudh tudh roon yahay ka lahaayeen, waxaa isweydiin mudan muxuu ahaa qorshaha Amni ee arintan laga lahaa.

Istaratijiyadda dhanka amaanka ee arinta laga lahaa waxaa ugu weynaa laba arimood.

1. In Maraykanku gaar ahaan maamulkan cusubi u adeegsado Carabta ama ka horgeeyo Quwada Eeraan ee saameynteeda Military iyo teeda dhaqan-dhaqaalleba sida weyn ugu fideyso dalalka Bariga dhexe.

2. Dirirta loogu magac-daray la dagaalanka Argagixisadda caalamiga ah, magaciina maamulka Trump ku bedeley{Islaam-Xajir ah}.

Ubucda dhabta ah ee Carabta dagaalkaas Eeraan laga leeyahayna waxa weeye in markastaba Maraykanku uu Tab heer sare ah oo xirfadeysan kaga badbaadiyo Israel cidkasta oo loo arko inay khatargelin karto jiritaankeeda iyo wiiqida amnigeeda iyo ciidankeeda. Fududeynta Tabahaasi waxay ahaayeen kuwa mar walba ka soo fulayey dalalka Carabta ama dadka Carbeed oo xataa Falastiinta la haystaa ku jirto, Lubnaanta la weeraraa ka mid tahay oo Suuriyada qayb ahaan dhulka laga haystaa badh ka tahay.

Tusaale ahaan is-haynta dhinacyada Falastiyiin Xamaas iyo Fatax waa danta jiritaanka Amni ee Yuhuuda. Gaza inay Go’doonsanaato goortii la doonana Gantaalo lagu Ruushiyo 12 sanadood, Daanta Galbeed iyo Ramalah oo Fatax iyo Maxamuud Cabaas joogaana ay nolol iyo Nabad-ba haysato waa qorshe fahamkiisu u baahan yahay kuurgal iyo inuu fahmaa ruuxa doonaya Danaha caalamka iyo halka Carab la marinayo. Xisbullaah inay dhawr iyo sodon maalmood dagaal lagu hoobtay kula jirtay Israel 2006dii, xukuumada Lubnaana iyo ciidanka qalabka sidaana aysan xabad Juc ka siin waa qorshayaasha Badbaadinta iyo Istaraatijiyadda meel martay ee Galbeedku la ciyaareen Carab. Caasimada Bairut 2006kii Israel waxay ku dhufatay in ka badan 900 Gantaal dagaalkii qarxay 13 Agusto 2006, halka Xisbullaah ku ridey dhulka Yuhuudu degen tahay 3,900 oo Madaafiic iyo Gantaalaba isugu jira kolkii danbena Gacanta la isgeliyey oo Dagaalku lug noqday.

Waana taas uun tan Hadda NATO doonaysay, gaar ahaan Maraykanka oo xataa qorshayaasha qarsoon ka mid yihiin in dagaalka Afghanistaan ee NATO iyo Maraykankaba ku daba-dheeraaday lagaga baxsado Carabta dhaqaalahoodana lagu Wiiqo.
Balse arintii ayaa noqotay Xaqu feedhaha ayuu ka dilaacaa, oo waxa Xawligeedii Damiyey kolkii reer Galbeedku Istaraatijiyadii isla Fahmi-diideen.


Dalalka Yurub waxay ka hor yimaadeen qorshe kasta oo Eeraan lagu Carqaladeenayo, balse waxay ogolaayeen in Carabta lugaha loo galiyo Xasaradaha kale ama laga faa’ideysto dhaqaalahooda iyo Siyaasadooda kala Daadsan.
Arintan waxay uga goleeyihiin inaysan xumaan Sumcada hogaamineed ee sheekooyinka waxa loo yaqaano sharciga caalamiga ah ama heshiishyada caalamiga ah{International Law or International Treaties }.
Maxaa yeelay heshiiskii Nuclearka ee Viena 2015 ayaa weli taagan{JCPOA}. Kaasoo Maraykanku ka baxay bartamihii sanadkan.

Si kastaba ha noqotee arinta waxa kaloo sii Dhiciseeyey Carabta lafteeda ayaa isku Khilaafay oo arimahaas diidey, waxaana is waafaqay markii madaxweyne Trump miiska soo saaray iyo Cishooyinkii madoowbaa ee uu qarxay Khilaafkii dalalkii Gacanka{GCC}. Tusaale dalalka Qaddar, Oman, Kuwait , Morocco iyo Ciraaq intuba dhabarkeey u ujeediyeen qorshaha ka dhanka ah Eeraan. Waxayna sidoo kale Iska sii wateen cilaqaadkii ay la lahaayeen Tehraan, dhawaan waxa warar Diblumaasiyadeed sheegeen in Oman ayba Gudi dhexdhexaadina u saartay khilaafka iyo colaada Maraykanka iyo Eeran Musqad, waxay doonaysay inay Eeraan oo ay la wadaagto marinka Hurmuus iyo Qulqulka badeecooyinkeeda iyo Maraykanka oo ay isku San banaan yihiin isugu keento kulan Washingtond iyo Tehraan.
Markaan soo kuffiyyo qorshaha Isbaahaysi dhexmara Carab iyo NATO wuxuu u egyahay mid Saqiiri kara dhakhso, ama laga-yaabee inay dhawr dal oo Carbeed oo arintan Caashaqsan ay ku hadhaan{Saudi, Imaaraad, Bahrain , Jordan iyo Massar}.
Amaana Allaah..

Qalinkii:-Suleiman Hashi

Horufadhi Media News

 

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=68014

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maqaal:-Fahanka Dhabta ah ee Qorshaha ee Isbaahaysiga ARAB-NATO.Qaybtii labaad-Akhriso”

  1. Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...
  • Abdi: Qoraagga maqaalkani warar cadcad oo badan buu soo bandhigay. Waanna loo baahna. Anna waxan ku daraya:...