|

Akhriso:-Xiisad Dagaal oo kasoo cusboonaatay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool-Warbixin

Garoowe (HM)-Dhawaqa rasaas loo maleynayo in ay isweydaarsanayeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa habeenimadii xalay laga maqlay gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka Tukaraq oo HM ay xidhiidh la samaysay la sameysay ayaa xaqiijiyay in uu jiro dagaal kooban oo labada dhinac (Puntland & Somaliland) ku dhex maray jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada maamul.

Warar kale oo ay HM heshay waxa ay sheegayaan in madaafiic la isku adeegsaday kadib markii ciidanka difaaca Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen saldhig ay Soomaliland kaga sugan tahay aagaga hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Lama oga khasaaraha k dhashay dagaalka kooban ee ay isku fara-saareen dhinacayada isku hor fadhiya Tukaraq maadama xiliga ay wax dhacayeen ay ahayd goordambe oo xalay ah.

Gudiga amniga Puntland oo looga bartay ka hadalka wararka dagaalka Tukaraq dhankooda weli wax war ah kamasoo yeerin oo ku saabsan xaqiiq ahaanshiyaha weerarka ay ciidanka difaaca Puntland ku qaadeen aagaga hore ee dagaalka iyo iska hor imaadka kooban ee dhexmaray labada dhinac.

Wadamada beesha caalamka ayaa horey u sheegay in ay uga walaacsan yihiin xiisada dagaal ee  deegaanka Tukaraq halkaasoo ay weli isku hor fadhiyaan cidamada puntland iyo Somaliland,waxayna dhowr jeer oo hor ay ku baaqeen in la sameeyo xabad joojin deg deg ah.

Bishii July ee aynu kasoo gudubnay dagaal ciidanka Puntland iyo Somaliland ku dhex maray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool,waxaa ku barakacay 2,500 qoys isugu jiray haween, carruur,dhalinyaro iyo dad da’ah kuwaasoo ka cararay colaada aan dhamaan ee ka taagan Tukaraq.

Horufadhi Media News

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=68004

Posted by on Oct 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Akhriso:-Xiisad Dagaal oo kasoo cusboonaatay Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool-Warbixin”

  1. Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...