|

Daawo:-Gaas“Doorasho Hal qof iyo Hal cod ah waxa ay ka dhici kartaa keliya Puntland”-Video

Garoowe ( Horufadhi News ) Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa maanta furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaas ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madaxweyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dimuquraadiyadda.

Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=67097

Posted by on Sep 12 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Gaas“Doorasho Hal qof iyo Hal cod ah waxa ay ka dhici kartaa keliya Puntland”-Video”

  1. Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii aan Cabdiweli ka noqon madaxweyne, waayo si fiican buu ula hadhay, ugana hakiyey horumarkii ay ku socotay.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...