|

Daawo:-Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka hor yimid wixii kasoo baxay Shirkii Kismaayo-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoogan oo u dhaxeeya mas’uuliyiinta qaar ka mid ah maamuladdii ku shiray Kismaayo ee Sabtidii aynu soo dhaafnay ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee federaalka.

Hoggaamiyayasha Hirshabeele iyo Galmudug oo ah labada maamul ee ugu da’yar guud ahaan marka la eego dowlad gobolleedyada dalka ka dhisan, ayaa wajahaya markan culeys uga imanaya isla maamulka gudihiisa kaddib ku dhawaaqistoodii in ay xiriirka u gooyeen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen fara-galin siyaasadeed iyo in ay ku guuldareysatay howlihii loo idmaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maalintii shalay khudbad ka hor jeedinayay furitaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka oo ay fadhiyeen madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha ayaa ka hor sheegay in Galmudug isku raacsaneyn warka ka soo yeeray Kismaayo oo sida uu hadalka u dhigay ay u arkayaan in lagu wiiqayo dowladnimada iyo jirintaanka Qaran Soomaaliyeed.

Si taa la mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah Hirshabeelle kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, diyaar-na u yihiin in ay sii wada-shaqeyn  dhaxmarta.

Horay go’aanka hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada waxaa ugu gacan seyray madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey oo sheegay in shaqsi kaliya uusan ku hadli karin magaca dowlad gobolleedka Galmudug, sidoo kale waxaa go’aanka shirka ka hor yimid madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey oo ku tilmaamay war-murtiyeedka hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada ka soo baxay mid aan laga fiirsan oo lagu deg degay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u muuqday in uu riyaqay mowqifka guddoomiyayaasha labada Baarlamaanka ee Hirshabeelle iyo Galmudug  ayaa  dhinaciisa ugu laab-qaboojiyay in dowladda diyaar u la tahay wadashaqeyn buuxda isaga oo yiri’’ “ Guddoomiyeyaasha golaha shacabka Hirshabelle iyo Galmudug waxaan idiin sheegayaa in aan diyaar idiin la nahay in aan idin kala shaqayno danta guud”

Lama oga halka ay arrimuhu sal dhigan doonaan maalmaha iyo todobaadyada ina soo aadan, hasse ahaatee dadka sida weyn u daraaseeya arrimaha siyaasada ayaa qaba in shirkii Kismaayo uu dhaawac weyn ugu danbeyntii ku keeni doono jiritaanka is heysiga iyo wada jirka qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada oo haddaba la ciir-ciiraya khilaaf dhaxdooda ah.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=67041

Posted by on Sep 11 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabeelle oo ka hor yimid wixii kasoo baxay Shirkii Kismaayo-Video”

  1. HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “Warmurtiyeedka” waallan ee Badhasaabyadda gobolladdu ugu hanjabeen Dawladda Federaalka Soomaaliyeed. Nuxurka warmurtiyeedkaasi wuxu noqday: Dawladda Federaalka Somaliya ha burburiyo. Badhasaabyadda gobolladdu waxay cadaysreen in ay noqonyaan warlords-kii burburka hogaaminayey.
    ALLOW SAHAL AMURAHA.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...
  • Abdi: Dad beri hore aroos lagu xeraystay ayuu ka sheekaynaya.
  • Abdi: Intaasina waxay ahayd bakh bakhdii iyo beentii Puntland ku caanamaali jirtey.
  • Abdi: Runtu waxay tahay: Guddoomiye Gobol oo isu haysta inuu yahay “Madaxweyne Wadan” waxay ka dhigan...