|

Maamulka Soomaliland oo sheegay in laga aqoonsaday Magaalo ku taalla Dalka Mareykanka iyo War saxaafadeed-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News)-War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aqoonsi ku aadan Madax banaanidooda ka heleen Golaha Deegaanka Magaalada Clarkston ee dalka Maraykanka.

Somaliland ayaa sheegtay in maamulka magaalada Clarkston meel mariyeen mooshin lagu aqoonsanayo Madax banaanida maamulka Somaliland, waxa ayna Somaliland sheegtay in ay jiraan magaalooyin kale oo horey u aqoo saday maamulkooda.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=66943

Posted by on Sep 8 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maamulka Soomaliland oo sheegay in laga aqoonsaday Magaalo ku taalla Dalka Mareykanka iyo War saxaafadeed-Akhriso”

  1. Bismillaah

    “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku dhisan rag iska dhici iyo ku jiq sii, nasiib xumada haysaana lagu kala teg. Banana state/Somaliland.

    Adduunka local goverment iyo mayor-magaalo, midkoodna, waxba ma ictiraafi karaan; Ictiraaf waxa lagu helaa cadaalad iyo shaqo hufan oo dawladu la timaado. Shacabkeeduna, waa inuu og yahay inay wax wada leeyihiin, oo ay dawladooda wada dhisteen, oo ay wada ilaashadaan nidaamka ay ku heshiiyeen. Maamulkan Hargeysa, ka talinayey in muddo ah, waa duul u jajaban cadawga Somalida meel kasta uu jooggo, waxayna isu qadimaan inay yihiin shaqaale raqiisa, oo la jebinaya Somalida.

    Ayaan darro waxay haysataa kuwa eeganaya maamulkan ku jira boobka hantidii guud ee dalka – Bad iyo Berri, oo u soo daabacda waraaqo lagu sheego lacag beena, oo aan adduunka ka sharciyeysnayn / ka diiwaangashanayn, oo aan qiimana lahayn lagu aamino, kagana furta dollar-kii shacabku haystay iyo hantidoodiiba, kana dhistay daaro dhaadheer, madax ku sheega maamulka iyo inta la shaqaysta ee tuugta ah. Waar iska qaada heeryada tuugta ee idin saaran ictiraaf ma jiree. WBT

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...