|

Daawo:-Juxa oo Dowladda Soomaaliya uga digay in ay soo fara galiso Doorashada Puntland-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirkii hore Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa uga digay dowladda Federaalka inay faragelin ku sameyso doorashada dhowaan ka dhaceyso Maamulka Puntland.

Juxa oo xalay magaalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland galeyso doorasho u gaar ah oo masiirkooda iyo rabitaankooda ku dhisan.

“Puntland waxay galeysaa doorasho u gaar ah oo masiirkeeda iyo rabitaankeeda ku dhisan, waxaan uga digeynaa dowladda Federaalka iyo cid kasta in aysan arrintan faraha la soo gelin”ayuu yiri Juxa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshahiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha muhiimadda uu siinayo haddii uu ku guuleysto doorashada, waxaana uu dhaliil xooggan u jeediyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Cabdi Faarax Juxa ayaa ka mid ahaa Golaha Wasiirada uu sanadkii hore magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, hase ahaatee waxaa xilka laga qaaday horaantii bishii Janaayo ee sanadkan, kaddib sagaal bilood oo uu hayay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=65976

Posted by on Aug 10 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Nin dhib wada oo la xidhay maxa ka khuseeya Guddoomiye Barlamaanka Soomaaliyeed Mr.Mursal? Ninka la xidhay...
  • Abdi: Dawladda Federaalku waa ku saxan tahay in xabsigga dhigto Mukhtaar Roobow iyo ciddii daba orodaba, waayo...
  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.