|

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay garsoorayaasha Maxakamadda sare iyo isbadelka-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farrmaajo ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare kaga qaaday xubnaha kala ah:

– Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

– Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.

– Mudane Maxamuud Axmed Faarax.

– Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

– Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.

– Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku qeyb ka ah ballanqaadkiisii hore ee ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameyn doono nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=65961

Posted by on Aug 9 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Jiifdiid: Dagaal baa dhacaya ee dahabka iyo Ayuutada soo dira Nimankan waa Xarfaan lacagay sii aruuursanayaaan Qurba...
  • ahmed: Dhuuso ileen af qoyan hadal ma daayo isma maqalo miyaa faysal Faaruq shalay sow adigii cabaadaayey puntland...
  • Abdi: Waa beenawaas nacasoobay. Dhul Puntland cidina ma haysato. Dhulka waxa iska leh Khatumo State. Mr. Camay na...
  • Hirad: Madaxweyna cusub wasiirka warfaafinta soo dhawoow Axmed shide indr
  • Hirad: Dhaqane kaddaab number one Dadka Somalidu hees ka gees waa u free gelis iyo bixis iyo degidba waa dalkoodii...