|

Daawo:-Isku shaandheynta iyo xil ka qaadista Xubnaha Wasiirada Soomaaliya oo shaqo maalmeedka Khayre ka mid noqday-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Xukuumadan uu Raysal wasaare ka yahay Xasan Cali Khayre ee jirta 18 bilood waxaa isku shaankayn, xil ka qaadis iyo magacaabis lagu sameeyey 10 jeer in ka badan markastana waxay ka xeeladeysataa in baarlamaanka laga ansixiyo, waa qaab cusub oo sharciga daaqadna laga soo gali karo.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabis Wasiiro cusub iyo Iskushaandheyn loogu sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya, halka Wasiirka Xanaanada Xoolaha isna loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Maxamed oo horey u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha loogu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka C/raxmaan Cabdi Xaashi, waxaana Wasiirka Cusub ee Kaluumeysiga loo magacaabay C/llaahi Bidhaan Warsame.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur, waxaana Wasiiru Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada loo magacaabay C/Qaadir Sheekh Bagdaadi.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=65816

Posted by on Aug 5 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Daawo:-Isku shaandheynta iyo xil ka qaadista Xubnaha Wasiirada Soomaaliya oo shaqo maalmeedka Khayre ka mid noqday-Video”

  1. Bismillaah

    Dawladii nabad iyo nolol, ma waxay isu bedeshay meel hal doorka ummada u shaqaynaya, Garowe iyo kismayo laga baabi`iyo waxtarkooda. Wasiirkii hore ee kalluunka C/raxmaan Mohamed Abdi Hashi, Garowe waxay kala dagaalantay inuu helo xildhibaan metela dadkiisa, iyagoo ku haystay nacaybkii ay u hayeen aabihii, oo mar soo noqday M/weyne maamulkii Garowe, Maanatana, waxay xilkiisii Farmaajo siiyey, ee ummaddiisa Somaliyeed ugu khidmaynayey, kaga daba tageen Xamar. Waxa la wada og yahay, in Farmaajo, oo yaqaanay waxtarkiisa, uu ku darsaday dawladii nabad iyo nolol, iyo inuu Somali waxtar u yahay.

    Intii uu dawlada nabad iyo nolol ku jirey wax la taaban karo buu wasaaradiisii ka qabtay, sidoo kale wuxuu taakulo ka geystay wasaaradihii kale. Shirarkii debeda ee khuseeyey arrimaha Somalida, sida badbaadintii maaliyadda, waxtar la taaban karo buu ka geystay. Iyadoo wixii waxtar ahaa ee uu qabtay madax loo wada saaray wasiir Beyle, taasina waxay ahayd gef kale, oo hore R/wasaaruhu uga galay. Dalkan, ma markii hore mise hadda, hadda waxa midig iyo bidix shukaanta u haya; Dhinac, Garowe iyo Kismaayo, oo ragaadinaya dawlada. Dhanka kale waxa safaaradaha u lacag doonta koox kale beeciya dalka, oo sheegata inay Xamar gaar u leeyihiin, oo iyaguna dhinacooda ka musbaaraya. Dalkan la ragaadinayo, ee qofkii waxtar u ah ba la bahdilayo, waynu eegnaa meeshuu ku danbeeyo.

  2. Mr. Turab, waa laga gudbay wakhtigii cabashadda iyo callaacalka, ee warqadda xejiso.

  3. Turub horta adiga magacaaga ayaa nagu filan waayo waxaa tahay nin lagu cayaaro oo marba meel lagu jeheeyo adeer Garoowe iyo Kismaayo ma waxay noqdeen Xasan cali khayre caqli saleem ah la imow ninka wax badalay waa prime ministerka ee isga la xisaabtan mid aan kuu sheego ina cabdi xaashi aabihiis wuxuu ahaa waa la yaqaan nin raga ah magic ku leh puntland ayuu ahaa laakiin wiilka uu dhalay waad ogtahay waxa uu sameeyey markii wasaarada loo magacaabay waxa uu dagaal ku soo qaaday puntland oo waxa uu is yire Hawiye ayaa ku difaacaya oo wax walba u qabo puntlanda ka hor istaag wixii hormar ah oo kaluunka ku saabsan waa gartiisow wali ma uu san arag bada ay leedahay puntland ee waxa uun uu arkay tan xamer puntland bada uGu dheer ayey leedahay waa haduu wax fahmayo nin geel raaci jiray ayey kaluun u dirsadeen taas intaas ayaan kaa leeyahay Turubow hadii qabyaaladi ku qaaday adeer nin waliba reer ayuu ka dhashay ma xuu dadkiisa dhinac uga raaci waayey turub marka wax u qabanaysid maamulada usha uu haysto waxay ahayd in uu dhexda ka qabsado ee madixii hore iskaga dhagay oo ah xamar uu baa kugu filan wax ha ka dheefo hadaladiisii uu oran jiray puntland ayaa wax walba ka imanaysa nin doonaya xaqa puntland in uu duudsiyo cid ka yeelaysaa ma jirto. wilahi towfiiq.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.
  • Abdi: Waxaan u sheegaya Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaan, Madaxweynaha iyo Ra’isal...
  • Turab: Bismillaah Cawad iyo kaadka wasaarada arrimaha debeda, maxaa kala haysta. Wasaaradii waxay noqotay, meel...