Home » August 31st, 2018 Entries posted on “August, 2018”

Buuhoodle Ururka Aqoonyahanka G.Cayn oo Qabtay Kulan lagu shaaciyey Arday ay siiyeen deeq waxbarasho-Sawiro

Buuhoodle (Horufadhi News)-Ururka Midowga Aqoonayahanka ee gobolka Cayn (Ayn Academic Union ) oo ay ku midaysan yihiin aqoon yahano u badan dhalinyaro oo u dhashay gobolka Cayn ayaa magaalada Buuhoodle ku qabtay munaasibad weyn oo lagu shaacinayey arday ku guulaysatey deeq waxbarasho oo ururku siiyey 20 Arday oo laga bixinayo kharashka waxbarashada dugsiga sare. Deeqdan […]

August 31st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee ay wada gaadheen Dowladdaha Shiinaha iyo Soomaaliya-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. Madaxweyne Farmaajo waxa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar […]

August 31st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Madaxweynaha cusub ee DDSI oo ka hadlay sida uu ula dhaqmayo Dadka mucaaradsan-Video

Jigjiga (Horufadhi News)-Madaxweynaha cusub ee dawlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay inuu ku dadaalayo qancinta qof kasta oo mucaaradsan maamulkiisa Waxaa uu intaa ku daray in haddii ay taasi suuragali wayso aan cidna loo qabsanaynin iney isaga wax ka sheegto ama mucaarado. “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu […]

August 31st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Maxkamada Sare ee Itoobiya oo diidey in damiin lagu sii daayo Cabdi Maxamuud Cumar-Video

Jigjiga (Horufadhi News)-Maxkamada Sare ee dalka Itoobiya ayaa   diiday in damiin lagu sii daayo Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  Cabdi Maxamud Cumar iyo saddex kale oo ka mid ahaa madaxda maamulkiisa. Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaar kamid ah mas’uuliyiin hore ugaga mid ahaa maamulkiisa oo qof dumar ah ku jirto ayaa loo haystaa […]

August 31st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay Magaalada Beijing ee Dalka Shiinaha iyo soo dhawayn balaadhan-Video

Muqdisho (Horufadhi News)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdinuur Axmed Maxamed ayaa sheegay in halkaasi madaxweynaha uu wada hadallo […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Kheyre oo Shaaciyay cida dhiseysa Garoonka Muqdisho Stadium-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ballan qaaday in garoonka ciyaaraha Muqdisho lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan oo ay xukuumaddu ugu tala gashay dardar-gelinta dib-u-dhiska dalka iyada oo ay shacabku ka qayb qaadanayaan. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb-qaadanayay ololaha nadaafadda Khamiislaha ah ee is-xilqaan oo lagu […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Xasan Sheekh oo shaaca ka qaaday in safar xog ogaalnimo ku tagi doono gobolada Dalka-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dalka ku mari doono safar ujeedadiisu tahay xog-ogaalnimo iyo u kuurgelidda xaalada dalka,isagoo baaq u direy dhalinyarada Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya ayaa ka hadlay ujeedka boqashadiisa  waxana uu u mahadceliyay madaxda Soomaaliyeed sida […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Akhriso:-Haween lagu maxkamadeynayay Mombasa oo Muuqaal duubis darteed markale loo xiray -Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Maxkamad ku taala magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa joojisay dhageysiga dacwad loo heystay labo haween oo ku eedeysan Al Shabaabnimo, kadib muuqaalo ay mobeyladooda ku duubeen. Labada haween oo lagu kala magacaabo Feruz Hamid Abubakar iyo  Shamsa Abubakar, ayaa ka hor inta aysan bilaaban maxkamadeyntooda waxay duubeen muuqaalka goobta dhageysiga dacwadooda ka dhici […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Xasan Shiikh oo sheegay sababta uu wakhtigan Muqdisho u yimid iyo arrimo kale-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeyb qaatay guddi ay dowladda u xil saartay soo dhaweyntiisa oo uu horkacayay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle). HALKAN KA DAAWO VIDEO Xasan […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Xasan Shiikh oo goordhow soo gaadhay Muqdisho iyo Xubno Dowladda Somaaliya ah oo soo dhaweeyay-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynihii Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo muddo sanad ka badan ka maqnaa dalka Soomaaliya. Safarka Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu yimid saacado kadib markii madaxweynaha ka guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu safar dheer dalka kaga ambabaxay maalintii shalay. Dowladda Soomaaliya ayaa sida wararka aan ku heleyno xubno wasiiro […]

August 30th, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • Abdi: Nin dhib wada oo la xidhay maxa ka khuseeya Guddoomiye Barlamaanka Soomaaliyeed Mr.Mursal? Ninka la xidhay...
  • Abdi: Dawladda Federaalku waa ku saxan tahay in xabsigga dhigto Mukhtaar Roobow iyo ciddii daba orodaba, waayo...
  • Abdi: Timirtii horeba dab loo waaaaaaaa.
  • Abdi: Waxa dhaba in Muuse Biixi Cabdi naf la caari yahay, oo ku jiro “illayn naf gawracayni geed kama...
  • Abdi: Booqashadda haddeer socota waa ciyi waaggii ka beryey.