|

Dadka Soomaliland oo loo ogalaaday in ay qaataan Baasaboorka Dalka Jabuuti-Akhriso

Hargeysa (Horufadhi News) –Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay billowday in Dadka ku nool deegaanada maamulka Soomaliland ay siiso Baasaboorka Dalka Jabuuti, xilli weli Soomaliland aqoonsi ka helin adduunka.

Safaarada Dowladda Jabuuti ku leedahay magalada Hargeysa ayaa laga billaabay bixinta baasaboorka dalka Jabuuti, waxaana shalay baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey gabar maalmo kooban dhalaneyd, taas oo iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in Gabadha ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa, isla markaana si rasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka Somaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti, isla markaana ay diyaar u yihiin.

Ugu dambeyn Hooyada dhashay gabadha yar ee ugu horreysay ee lasiiyo dhalashada iyo baasaboorka dalka Jabuuti ayaa ugu mahad celisay dowladda Jabuuti habka ugu fudud ee magaalada Hargeysa ay uga bilaabeen bixinta baasaboorka dalkaas.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabada  Dowladda Jabuuti.

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=64434

Posted by on Jul 4 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Dadka Soomaliland oo loo ogalaaday in ay qaataan Baasaboorka Dalka Jabuuti-Akhriso”

  1. Sababta rasmiga ah ee ka dambeysa maqaalkan waa in la cadeeyo in dawlado shisheeye, sida Jabouti, ay safaarado ku leeyihiin magaallo madaxda Somaliland ee Hargeisa. Sabab iyo siyaasad kale kama horayso, kamana dambayso.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Murjin: \qurun Qaatumo, kolba dhan aa la jiraa, wax lee soo kordhin faysal dhurwaa iyo cali ordaaye.
  • jama raabi: waxaan u arkaa amuur lagu farxo in madaxweyne farmaajo la kulmo faysal caliwaraabe iyo prof. cali khaliif...
  • Abdi: Md. Farmaajo waa madaxweynaha Soomaaliyeed. Prof. Cali Khalif Gallaidh waa Madaxweynaha Mamulka Khatumo State....
  • Turab: Bismillaah Waxa Alle mahadii ah mar haddii iclaamkii adduunku ay xuseen, dadka Somaliyeed ee xuquuqdooda lagu...
  • ahmed: khaatumo khiyaano waa tan joogta Hargaysa maxay fiilaal cayaaraan waaba la haysaaye. yaad la ciyaaraysaan ma...