|

Daawo:-Xoolaha Puntland keentay Tukaraq, Ma Khaliijka ayaa loo dhoofin Doonaa ? Faallo Puntland iyo Soomaliland-Video

Laascaanood  ( Horufadhi News )-Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo Xiisad dagaal ku dhexmartay Puntland iyo Somaliland,waxaa Mudooyinkii ugu dambeeyay Puntland kusoo bandhigaysay Xoolo iyo gaadiid dagaal oo loosoo gaadhsiiyay, Kuwaasi oo intooda badan ay keenayaan Beelaha Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Masuuliyiin iyo Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta Xoolo Nool iyo Gaadiid dagaal waxay kusoo Bandhigeen Halkaasi kuwaasi oo la sheegay in Gurmad ahaan loogu keenay Puntland.

Hadaba Maxay ka dhigan tahay   In Puntland oo dhisnayd 1998-dii  ay soo bandhigto Xoolo iyo Ciidamo ay maanta Beelo Gurmad ahaan kusoo gaadhsiinayaan.

Dadka Qaar ayaa qaba inay taasi muujinayso inay Somaliland uga wanaagsan Puntland tahay dhinaca Dhismaha Ciidanka, Inkastoo labada dhinac Gurmadka Calafka lasoo wada gaadhsiiyey, Sidoo kale Somaliland ayaan Warbaahinta usoo Bandhigin Arimaha Hoose ee ku saabsan Ciidamada.

Doodu waxay tahay “Xoolaha Tirada badan ee Puntland keentay Tukaraq, ma waxaa loo dhoofin doonaa Khaliijka, Iyadooba uu shalay Sucuudigu Suuqa u Furay Xoolaha Soomaaliya “.?

Short URL: https://horufadhimedia.com/?p=64422

Posted by on Jul 3 2018. Filed under wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo:-Xoolaha Puntland keentay Tukaraq, Ma Khaliijka ayaa loo dhoofin Doonaa ? Faallo Puntland iyo Soomaliland-Video”

  1. Horfadhi ilaah baan idin ku dhaarshay bal eega dadkiinaan sida aad u fakaraysaan oo aan inama caqli ku jirin adeerayaal hadii xoolo la dhoofinayo Boosaaso ayaa laga dhoofin lahaa xoolaha ciidanku cuni lahaa weeyaan oo laydin ku xorayn laha kuweenaan caqli gaabka ah bal dad waxaa la arki jiray markii loo heeliyo abaal guda oo yirahda waad ku mahadsan tiheen reer horfadhiyo abaal keenii waxa uu noqday in aad tirahdaan ma sacuudiga loo dhoofinayaa xoolahaan tirade badan ninkii caqli leh waa garanayaa xoolahaan doqona loo sheegi maayo marka isku xishooda hadalada qaarkood oo aad webkaan ku soo qoraysaan iska daaya iidoorkaad la bar bar dhigaysaan maxay tahay puntland nin doonaya in uu kuu dhinto iyo nin maalin walba dumarkiinii shaaracyada ku jeedaya oo kugu haya gumaysi waar dib isgu noqda waa hadii aan tiheen dhulbahantihii xalaasha ahaa waa kuwii iidoor u nacam layn jiray ayaa soo qoray qoraalkaan.

Leave a Reply

Recently Commented

  • Abdi: ISKA HADLOW INA IGARRE. SOMALILANDEEY MARNA TAAGTA MARNA TAMARTA.
  • Abdi: Iska hadlow INA IGARRE. Marka la eego xawligii ay ku socotay, Puntland meel roon bay maanta joogi lahayd haddii...
  • Abdi: HAMBALYO iyo BOGAADIN baanu hawada u marinayna madaxda gobolladda ee ka biyo diiday “WarmurtiyeedkaR...
  • Abdi: Rag waaweyn oo madax u ah ummad Soomaaliyeed ayaa afar casho shir u fadhiyey. Waxay soo bandhigeen bakh iyo...
  • Turab: Bismillaah “Dawladi, waa heshiis shacab”, Hargeysa waxa ka taliya, ma aha dawlad ee waa xukun ku...